|
|||||
WAJAALE NEWS
Duufaanta Florence oo ku wajahan gobollo ku yaalla Mareykanka
September 11, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa soo saaray digniino is daba joog ah, isagoo shacabka u sheegay iney u diyaar garoobaan duufaanta Florence, taasoo la filayo iney ku dhufato gobollada Carolinas. Mr Trump ayaa bartiisa Twitterka ku soo qoray in duufaantaasi ay noqoneyso tii ugu xumeyd ee soo marta xeebaha bari muddo sannad badan ah. Duufaantan oo wadata dabeylo awood badan ayaa lagu qiyaasay iney saacaddiiba ku jareyso dhul ballaadhan oo dhan 140mph (220km/h). Sida la saadaaliyay waxaay galinka dambe ee maalinta khamiista ah ku dhufan doontaa meel u dhow magaalada Wilmington ee gobolka North Carolina. In ka badan 1 milyan oo ruux ayaa la qorsheynayaa in laga daad gureeyo gobollada South Carolina, North Carolina iyo Virginia. Badhasaabka gobolka South Carolina Henry McMaster ayaa guud ahaan dadka ku dhaqan deegaannada xeebta ku teedsan ugu baaqay inay halkaasi ka guuraan. Jaamacadda North Carolina ee ku taalla magaalada Wilmington ayaa sidoo kale amar ku bixisay in la daad gureeyo ardayda. ‘Howshu kala joogsi ma lahayn’ Madaxweyne Trump ayaa saxeexay amarro badan oo ku aaddan gurmadka deg dega ah, wuxuuna sheegay inuu la hadlay dhammaan badhasaabyada gobollada ay saameynta ku reebi karto duufaanta. Wuxuu bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay ilaa shan qoraal oo arrimahaas ku saabsan muddo afar saacadood gudahood ah. Ciidammada badda ee Mareykanka ayaa 30 markab u diraya badda si ay xaaladda ula socdaan islamarkaasna uga qayb qaataan dadaallada samata bixinta waa haddii duufaanta xeebaha dalkaasi ay dhufato.
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|