|
|||||
WAJAALE NEWS
Dowlada Soomaaliya oo Shaacisay In Farmaajo Imanayo Hargeysa iyo Jawaabta Uu Ka Bixiyay Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland
September 30, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in dar dar iyo juhdiba la geliyo siddi dib loogu bilaabi lahaa wadahadaladii Soomaliya iyo Somaliland oo istaagay. Ra”iisal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa BBC-da u sheegay in madaxweyne Farmaajo uu diyaar u yahay in uu ka dego magaalada Hargaysa isaga oo sida calanka Soomaaliya, balse Wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Sacad Cali Shire ayaa sheegay in aan wali halkaas la isla gaadhin. Ra”iisal Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed wuxuu intaas ku daray in Xukuumadda Soomaaliya ay arrinta wadahadalka u samaysay qorshe iyo jadwal la doonayo in xal lagu gaadho, balse arrintaas ay hakad galiyeen doorashooyinkii ka dhacay Somaliland isagoo sheegay in masuuliyiinta Somaliland ay isku afgarteen in arrinta wadahadalka dib loo bilaabo wixii ka dambeeya doorashooyinka madaxtinimo oo la sugo hadba madaxweynihii la doorto. Ra”iisal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa sheegay in madaxda labada dhinac ay qorshaynayeen in ay kulmaan bishii March ee sanadkan, hase ahaatee kulankaas uu qabsoomi waayey sababo la xidhiidha arrimo farsamo iyo xiisad ka dhalatay dagaalkii Tukaraq oo uu sheegay in dawladda federaalka ahi ay xoogga saartay sidii loo xallin lahaa colaadaas walina ay ku tala jiraan dardargalinta oo ay dhankooda diyaar yihiin. Mahdi Maxamed Guuleed, Ra”iisal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, ayaa sidoo kale tibaaxay in la gaadhay xilligii madaxweyne Farmaajo uu ka dagi lahaa Hargaysa oo wadahadalku uu dib uga bilaaban lahaa dhul Soomaaliyeed isagoo intaas ku daray in midowgii labada gobol ee 1960-kii aanay jirin cid dhex dhexaadinaysay balse ay ku timid boholyoow iyo hilow Soomaaliyeed. Dhanka kale wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Sacad Cali Shire ayaa sheegay in wadahadalka labada dhinac oo bilowday sanadkii 2012-kii uu iminka hakad ku jiro, hakad kaasna ay keentay cabashadii dawladda Federaalka ahi ay ka muujisay heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee u dhexeeyay Somaliland, Itoobiya iyo Sharikadda DP World ee ku aaddanaa dekedda Berbera, balse wuxuu sheegay in taas macneheedu aanay ahayn in aanay diyaar u ahayn in wadahadalka dib loo bilaabo. Su’aal ay BBC-du waydiisay Wasiir, Sacad Cali Shire oo ahayd waxa hortaagan in wadahadalku uu ka dhaco Hagaysa ama Mudisho, ayuu kaga jawaabay in arrintaasi ay ka horrayso in la is ictiraafo oo Somaliland la aqoonsado balse inta ka horraysana ay noqonayso in meelo kale oo markhaatiyaal leh lagu wadahadlo.
WAJAALENEWS DESK HARGEYSA OFFICE WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|