Diyaarad Rakaab oo Ku Dhacday Badda Dalka Micronesia | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Diyaarad Rakaab oo Ku Dhacday Badda Dalka Micronesia
September 28, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Diyaarad xamuul ayaa ku dhacday badda dalka Micronesia, sida ay sheegeen masuuliyiinta garoonka diyaaradaha ee Chuuk International Airport.

Sawirro laga qaaday ayaa muujinaya diyaaradda shirkadda Air Niugini oo ku jirta biyaha badda, diyaaradaas waxaa laga leeyahay dalka Papua New Guinea.

Diyaarad

Soddon iyo shan ruux oo rakaab ahayd iyo 12 ruux oo ka shaqaynaysay diyaaradda duulimaadka ee lambarkeedu ahaa ANG73, midkoodna dhaawac halis ah ma gaadhin.

Ma cadda waxa sababay in diyaaraddu dhacdo, balse baadhitaan arrintaas ku saabsan ayaa si dhakhso ah loo billaabi doonaa.

Diyaarad

 

Diyaaradda ayaa ka dhacday qaw 160 yaardi u jira waddada ay diyaaraddu ku oroddo ee garoonka sida uu BBC-da u sheegay Jimmy Emilio oo ah agaasimaha garoonka diyaardaha ee Chuuk airport.

“Xaqiiqatan hadda ma ogin waxa dhacay. Baadhitaannaduna way bilaaban doonaan, balse hadda, garoonka ayaa billaabaya duulimaadyadii caadiga ahaa”.

Diyaaradda ayaa ka duushay jasiiradda Pohnpei ee dalka Micronesia waxayna ku sii jeeday Port Moresby oo ah caasimadda dalka Papua New Guinea, waxayse ku sii hakanaysay jasiiradda Weno oo dalka Micronesia ku taalla.

Diyaarad

Diyaaradda ayaa ka duushay jasiiradda Pohnpei ee dalka Micronesia waxayna ku sii jeeday Port Moresby oo ah caasimadda dalka Papua New Guinea, waxayse ku sii hakanaysay jasiiradda Weno oo dalka Micronesia ku taalla.

COMMENTS
LINKS