“Dawladda Waxba Kama Lumaan Qofka Guri Dawladdu Leedahay Ku Jira Ee Aaminay Inuu Isagu Leeyahay, Waa Nacas Jaahil ah”Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Dawladda Waxba Kama Lumaan Qofka Guri Dawladdu Leedahay Ku Jira Ee Aaminay Inuu Isagu Leeyahay, Waa Nacas Jaahil ah”Cali Guray.
September 29, 2018 - Written by Editor:

Guryaha Shacab Area ee Ingiriiski ka tegay weligoodba way diiwaan gashanaayeen dhokomantigooda oo dhamaystiran oon warqadi ka maqnayn waxa loogu yimi Wasaaradda Hawlaha Guud oo aan iyada la fadhataysanin Arkifiyadeedii. Iska daa guryo dhisane waxa yaalay oo indhayga aan saaaray naqshaddii Qasriga Madaxtooyada Somaliland uu Ingiriisku ugu talogalay laakiin Aanu dhisin oo ka gaadhsiin waayay waayo waxa laga diiday in laba sanadood ay Somaliland ka dambayso Somalia waxana sabab looga dhigay hadii aanu ka dambayno israacu ma suuroobayo.

cali-guray

 Waxan Is leeyahay guryaahaa cid kastaa ha ku jirto eh inta lahaanshahoodu uu ka wareegay dawladda ee qof sife sharci ah ku yeeshay hadii ay jiraanba ay aadbay u yar yihiin. Guryaha dhamaantood Lala wareegay waa kuwii Indian Line-ka kuwaasina intooda badani way dhisan yihiin oo cimaaradaha laga qotomiyay waynu og nahay.

Waa Run guryihii shacabka Hargeysa wakhtigan inta gacanta dawladda ku hadhsani way yartahay laakiin taa macnaheedu maaha dadka ku jira ayaa yeeshay dawladna waxba kama lumaan qofka guri dawladdu leedahay ku jira ee aaminay inu isagu leeyahay waa nacas jaahil ah.

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Caliguray)

COMMENTS
LINKS