Dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka oo Raadinaya Xalka Cabsi Ay Mustaqbalka Ka Qabaan Iran | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka oo Raadinaya Xalka Cabsi Ay Mustaqbalka Ka Qabaan Iran
September 28, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Wadamada Gacanka Carbeed waxa ay isu qaabeynayaan sidii ay ku noqon lahaayeen quwado waa weyn oo saameyn ku leh  Geeska Afrika, waxaana sidaas ku riixaya cabsi oo ay dhinaca kale ka qabaan.

Alex de Waal oo maamula hay’adda cilmi baadhista nabadda dunida ee ku taal Jaamacadda Tufts ee Mareykanka ayaa waxa uu sheegay in dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka ay raadinayaan xalka cabsi ay mustaqbalka ka qabaan Iran.

“Ku dhawaad 10 sano kahor Sucuudigu waxa uu bilaabay qorshaha maamulidda marinka badda ee baayacmuushtarku maro (Red Sea Fleet) iyo Badda Cas,” ayuu u sheegay De Waal.

“Waxaa ugu wacan cabsi ay ka qabto in Iran ay xidhato marinka kale ee Strait of Hormuz (Marin biyoodka u dhexeeya Iran iyo Imaaraadka) kaas oo ay baayacmuustarkii ka baxaan, Sucuudigu waxa uu u baahan doonaa meel ay dhabbe ay uga maarmaan si ay Shidaalkooda u dhoofiyaan. Taas, waxa ay keentay in ay dhisaan dhuumo iyo meelo lagu sifeeyo shidaalka oo ku yaal xeebta Badda Cas, ayna diiradda saaraan marinka Bab-el-Mandeb ee Geeska Afrika dul-mara”.

Elizabeth Dickinson, oo ah fallanqeeye  ku takhasustay Carabta, kana mid ah kooxda caalamiga ah ee xasaradaha aduunka (International Crisis Group), waxa ay sidoo kale qabtaa in Boqortooyada Sucuudiga ay dardar galin ku waddo ku lug lahaansheheeda siyaasadda caalamiga ah. “Sucuudiga waa deeq bixiyo weyn waxa uuna diblomaasiyadda Africa u arkaa ahmiyadda kowaad”.

Elizabeth waxay sidoo kale tidhi “Imaaraadka, waxa ay iyaduna isu qaabeysay noqoshada mid maalgaliye dhinaca saadka, dekeddaha iyo horumarinta ganacsiga,” ayey tidhi.

Bishii Augos ee sanadkan 2018, Itoobiya waxa ay ku dhawaaqday in Imaaraadku qorshanayo maalgashiga dhuumo dhexmara Eritrea iyo Itoobiya. Arrintan ayaa timid bil kaddib markii uu Madaxweynaha Eritrea Isias Afwerki ku soo dhaweeyey caasimadda Eritrea ee Asmara Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed markii ugu horreysay 20 sano kaddib.

Bishii Sebtembar, muddo yar kaddib heshiiskii Jiddah, Afwerki waxa uu ku laabtay gacanka. Markan waxa uu u safray Abu Dhabi isaga oo wadahadallo iskaashi dhaqaale iyo maalgashi kala hadlay dhaxal sugaha. Walow labada dal ay waxyar uun ka sheegeen booqashada hadana wasiirka warfaafinta Eritrea, Yemane Meskel waxa uu Twitter-kiisa soo dhigay sawir ku saabsan kulanka labada hoggaamiye.

Arrimahan oo idil waa sababaha gadaal ka riixaya loolanka cusube ee Sacuudiga iyo Imaaraadka ay ka wadaan Geeska Afrika.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEYSA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS