Dagaal Laba beelood U Dhexeeya oo ka Dhacay Gobolka Sool | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dagaal Laba beelood U Dhexeeya oo ka Dhacay Gobolka Sool
September 6, 2018 - Written by Reporter:

Laascaanood (WJN)- Toban ruux ayaa ku dhimatay dagaal labo beelood u dhaxeeya oo ka dhacay deeganka Dhumay oo qiyaastii 80KM dhinaca galbeed ka xiga magaalada laascaanood, sida ay wararku sheegayaan.

BBC-da oo la xidhiidhay masuuliyiinta Somaliland ee magaalada Laascaanood iyo dadka deegaanka ayey u xaqiijiyeen dagaalkan labada beelood oo soo noqnoqday dhowrkii sanno ee u danbeeyay inkastoo heshiisyo la dhexdhigay marar hore.

Dagaalkan maanta ayaa ka bilaabmay sida wararku sheegayaan kadib markii shalay makhribkii lagu dilay deegaanka Dhumey nin carraabe ahaa.

Ciidammo ka tirsan Somaliland ayaa goor dhoweyd la sheegay inay gaadheen deegaankaasi si ay u joojiyeen dagaalka.

Dhinaca kalena haweenay ayaa dhimatay kadib markii shalay uu toogtay nin geel watay oo ay isku khilaafeen daaqsin geel, sida uu BBC u sheegay duqa degmada Ceel Afweyn ee gobolka sanaag Cabdiraxiim aw Yuusuf.

COMMENTS
LINKS