Dad gaadhaya 1,200 oo Qof oo Loo Xidhay Rabshadihii Ka Dhacay Ethiopia | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dad gaadhaya 1,200 oo Qof oo Loo Xidhay Rabshadihii Ka Dhacay Ethiopia
September 25, 2018 - Written by Reporter:

Addis Ababa (WJN)– Mas’uuliyiinta dalka Ethiopia ayaa xidhay in ka badan 1,200 qof kadib markii bishan ay rabshado ka qarxeen gudaha iyo hareeraha magaalada caasimadda ah ee AddisAbaba, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan booliska, taasi oo saddex jeer ka badan tirada markii hore la qiyaasayey.

Madaxa booliska caasimadda, Degfie Bedi ayaa sheegay in tirada dadka dhintay ay yihiin 28 qof, isaga oo wax ku daray lambarkii hore oo ahaa 23.

“Dadkaas badankood waa la garaacay ilaa ay ka dhintaan, toddoba ka mid ahna waxaa dilay ciidamada ammaanka” ayuu Degfie u sheegay weriyayaasha.

Rabshadaha oo dhacay 12-kii ilaa 17-kii September, oo ay ku jireen kuwa lala beegsaday dadka laga tirada badan yahay ee ku dhex nool qowmiyadda Oromada ee degan duleedka Addis-Ababa, ayaa dhaawac gaadhsiiyey dadallada dib u heshiisiineed ee ra’iisal wasaaraha isbeddel doonka ah ee dalkaas Abiy Ahmed.

Rabshdaha ayaa billaabmay maalintii la qabanayey dibadbax lagu soo dhoweynayey hogaamiyayaasha dibad jooga ah ee jabhadda Oromada ee OLF, oo dagaal socda afartan sano ka waday dalkaas, ayaga oo doonaya maamul ay hesho qowmiyadda ugu badan dalkaas ee Oromada.

“1,204 qof ayaa xabsiga ku jira hase yeeshee waxaa hadda la dhaqan celinayaa wakhti kooban” ayuu yidhi madaxa booliiska Degfie, oo intaas ku daray in dadka la xidhay ay ku jiraan kuwa lagu tuhmayo qabashada dibadbax sharci-darro ah, budhcadnimo iyo dambiyo kale.

 

VOA

 

COMMENTS
LINKS