DAAWO; faah faahinta Qarax Xoogan Oo ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Khasaaraha Dhimasho & Dhaawac. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO; faah faahinta Qarax Xoogan Oo ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Khasaaraha Dhimasho & Dhaawac.
September 10, 2018 - Written by Editor:

MUQDISHO(W.N)Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxay Qarax siweyn looga wada maqlay barqanimadii maanta oo Isniin ah guud ahaanba magaalada Muqdisho, kaa oo lagu weeraray xarunta degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Ilaa 7 ayaa la qaxiijinayaan in ay ku dhinteen qaraxan sidoo kalana waxaa jiray dad dhaawacyo kala duwan qaba oo laga qaaday goobta kuwaa oo lagu daweynayo xarumaha caafimaadka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo tagay goobta ku eedeeyay Al-shabaab in ay ka danbeeyeen Qaraxii maanta ka dhacay degmada Hodan, isaga oo sheegay in ay beegsadeen dad rayid ah oo xiligaa ku sugaan degmada Hodan.

Waa Qaraxii labaad ee noociisa ah oo todobaad gudihii lagu weerarro xarun degmo, 02bishan September ayeey aheyd markii gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay sidan oo kale lagu bur buriyay xarunta degmada Howl-wadaag, waxaa dadkii ku dhintay weerarkaa ka mid ahaa carruur dugsi Qur’aan ka baraneysay xarun aan ka fogeyn degmada.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkam Ismiidaamin ah, iyaga oo warka arintan ku saabsan soo dhigay barta Internet-ka.

HALAN KA DAAWO MUUQAALKA QARAXAN;

COMMENTS
LINKS