Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa Oo Ku Guulaystay Daminta Guri Ku Gubtay Xaafada Sheekh Cumar Iyo Hal Qof Oo Ay kasoo Samata-Bixiyeen, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa Oo Ku Guulaystay Daminta Guri Ku Gubtay Xaafada Sheekh Cumar Iyo Hal Qof Oo Ay kasoo Samata-Bixiyeen,
September 3, 2018 - Written by Editor:

Hargeysa (W,N)  Ciidanka Dab-demiska Magaalada Hargeysa oo uu hogaaminayo hogaanka hawlgelinta ciidanka dabdemiska Qaranka Cabdifataax Maxamed Xaashi ayaa waxaa lagu soo wargeliyay dab ka dhacay xaafada sheikh cumar ee Degmada 31 May, waxaana ciidanka lagu soo wargeliyay abaarro 4:00 PM, Ciidanka ayaana hawlgalkaa u baxay isla markaana ku gaadhay sida ugu dhakhsaha badan.

IMG_6435

Dabkan ayaa ahaaa guri jiingada balse waxaa ka agdhawaa jiingado iyo guryo kale oo badan,Jiingadahan ayaa ahaa jiingado aad iskugu dhaw ahaan isku raran ayna sahlanayd in dabku dhamaan gaadho guryahaa, waxaana ciidanku ugu horayn ku sameeyay xakamayn uu ku xakameeyay halkuu dabku ka bilaabmay,taasoo ciidanku dabkaa ku hakiyay halkii uu ka bilaabmay.

IMG_6434

Wax khasaare nafeed, dhaawac iyo khasaare kaleba kama dhicin dabkaas, hasayeeshee waxaa ciidanku dabkaa ka soo samtabixiyay gabadh naafo ahayd oo ku dhex jirtay jiingadaa dabku ka bilaabmay markii ugu horaysay.

Shirkada Dabka ee Sompower, Laamaha Amaanka ee Degmada 31 May iyo Maamulka Degamada ayaa iyaguna hawlgalkaa qayb ka ahaa.

Ugu dambayn Hawlgalkaa ayaa ku soo dhamaaday guul, sidoo kale waxaa maamulka ciidanku dabdemisku wacyigelin soo siiyeen dadweynaha xaafadaas.

Xafiiska Warbaahinta & Xidhiidhka Dadweynaha

Ciidanka Dab-demiska Qaranka JSL

Hargeysa/Somaliland.

 

COMMENTS
LINKS