|
|||||
WAJAALE NEWS
Ciidanka Amniga Itoobiya oo Sheegay In Ay Wax Ka Qaban Doonaan Xaalada Ka Taagan Dalkaasi
September 19, 2018 - Written by Reporter:Addis Ababa (WJN)- War qoraal ah oo ay soo saareen ciidamada amaanka ee Itoobiya ayaa lagu sheegay in ay talaabo qaadi doonaan si ay wax uga qabtaan xaaladaha marba marka ka dambeeya sii murgaya ee wadanka ka taagan. Sida qoraalka lagu sheegay ciidamada amaanka ee Itoobiya ayaa wax ka qaban doona amaanka wadanka kaas oo todobaadkan umuuqday mid sii xumaanayay, waxayna ciidamadu sheegeen in wixii hada ka dambeeya uu sharcigu shaqayn doono. Dhalin yaro abaabulan oo u dhalatay qoomiyada Oromada ayaa weeraro ku qaaday dad shacab ah oo ku dhaqan magaalada Addis Ababa iyo nawaaxigeeda halkaas oo iska hor imaad xoogan ku dhexmaray oo ay ku dhinteen dad badan kumanaan kalana ay ku baro kaceen. Sidoo kale ururka TPLF ee hogaanka wadanka hayn jiray ayaa dhaliil u xambaariyay isbahaysiga EPRDF oo ay iyaguba kamid yihiin, waxayna ku sheegeen in wadanka ay haadaan kasii tuurayaan. Dhinaca kale waxaa kulan la isugu yeedhay ururka EPRDF, kaas oo sida la sheegay lagaga arinsan doono marxaladaha adag ee la galay iyo sidii loo wajihi lahaa arimaha soo cusboonaaday.
WAJAALENEWS DESK JIG JIGA OFIICE WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:DAAWO; Xildhibaan Bukhaari Oo Eedo Culusna Ujeediyay Shakhsiyaad Uu Ku Eedeeyay In Ay Taageeraan Jab... DAAWO;-Wasiiro Xukuumada Jsl Katirsan Oo Dhagax Dhigay Dhismaha Jaamacada Nugaal Ee Gobolka Sool. Wasiir Cukuse oo Markii u horaysay ka hadlay Fanaaniinta Xidigaha Geeska oo ceeb u leeyahayna cidkal... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|