Baro Dastuurkaaga Waxa Aad Xaq u Leedahay Iyo Waxa Xaq Laguugu Leeyahay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Baro Dastuurkaaga Waxa Aad Xaq u Leedahay Iyo Waxa Xaq Laguugu Leeyahay!
September 4, 2018 - Written by Editor:

XUBINTA 3 AAD EE DASTUURKA JAMHUURIYADA SOMALILAND

Xuquuqda qofka, Xorriyaadka aasaasiga ah iyo waajibaadka saaran muwaadinka.

Qodobka 21aad :

Hirgalinta iyo Fasiraada

1- waaxaha xeer-dejinta, fulinta iyo garsoorka ee Qaranka iyo kuwa dawladaha hoose ee gobolada iyo degmooyinka jamhuuriyada Somaliland heer kasta ha ahaadeene waxay u hogaansamayaan shuruucda ku cad qodobada xubintan.

2- Qodobada la xidhiidha xuquuqda iyo xoriyaadka aasaasiga ah waxa loo fasirayaa si waafaqsan bayaanada caalamiga ah ee xuquuqda Aadamaha iyo xeerarka caalamiga ah ee dastuurka ku xusan.

Qodobka 22aad :

Xuquuqda siyaasadeed, dhaqaale, Bulsho iyo xaqa doorashada.

1- Muwaadin kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu ka qayb galo hawlaha siyaasadeed, dhaqaale, bulsho iyo hidaha si waafaqsan xeerarka iyo Dastuurka.

DASTUURKA

2- Muwaadin kasta oo buuxiya shuruudaha xeerku tilmaamayo waxa uu xaq u leeyahay in la doorto waxna uu doorto.

Qodobka 23aad

Xorriyada dhaqdhaqaaqa iyo is abaabulka.

1- Qof kasta oo muwaadin ah ama si xeerka waafaqsan dalka ku jooga, waxa uu xor u yahay in uu dalka ka maro ama ka dego meel kasta oo uu doono iyo waliba in uu ka baxo ama ku soo laabto dalka marka uu doono.

2- Arimaha ku xusan faqrada 1aad ee qodobkan waxa ka reeban meelaha ama waqtiyada xeerku ka reebo mariddeeda ama degitaankeeda.

3- Muwaadiniintu waxa ay xor u yihiin in ay isu habeeyaan ururro siyaasadeed, cilmiyeed, dhaqameed, bulsheed, xirfadeed ama kuwo shaqaale si waafaqsan xeerka.

4- waxaa reebban urur kasta oo leh ujeedooyin lid ku ah danaha ummadda ama qarsoodi ah ama leh qaab ciidan ama hubaysan amaba kuwo kale ee khilaafsan xeerka waji kasta ha lahaadeene.

Qodobka 24aad

Xaqa nolosha, nabad galyeynta jidhka, xurmeynta magac-samida iyo dambiyada laga galo xuquuqda aadamiga.

1- Nafta aadamuhu waa deeq ilaahay, waana qaali, qof kastaana wuxuu xaq u leeyahay noloshiisa, wuxuuna ku waayi karaa oo kaliya marka maxkamad horteed uu ku cadaado dambi xeerku jideeyey in dil lagu mutaysan karo.

2- Qofku wuxuu xaq u leeyahay in la nabad galiyo jidhkiisa; ciqaabta jidhka iyo waxyeelo kasta oo loo geysto way reeban tahay.

3- Qof kasta waxa uu xaq u leeyahay in la xurmeeyo sharaftiisa, sumcadiisa iyo noloshiisa gaar ahaaneed.

4- Dambiyada laga galo xuquuqda qofka sida xasuuqa, dil maxkamad la’aan ah, jidh dilka iyo waxii la mid ahi malaha mudo dhaaf.

Qodobka 25aad

Xaqa xorriyadda, damaanad-qaadka iyo shuruudaha xuquuqda iyo xoriyaadka

1- Qofka xoriyadiisa loogama qaadi karo si aan xeerka waafaqsanayn.

2- Ma bannaana in qofna la qabto, la baadho ama la xayiro hadii uusan markaa dambi faraha kula jirin ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo saarin garsoore awood u lihi.

3- Dawlada ayaa muwaadiniinta u damaanad qaadeysa xuquuqda iyo xorriyadaha, xeer ayaa qeexaya ciqaabta ka dhalan karta ku xad gudubkooga.

4- Dhamaan xorriyaadka qofka waxa shardi ah in aanay ka hor iman xeerarka anshaxa guud, xasiloonida dalka ama xuquuqda qof kale.

Qodobka 26aad

Ciqaab iyo Dambi

1- ciqaab iyo dambi waa wixii qodob, xeer ama qaanuun jideeyey, waxaana reeban in ciqaabta loo fuliyo hab aan xeerka waafaqsanayn.

2- masuuliyada dambi ciqaabeed waxa ay ku kooban tahay cida gaysatay oo keliya.

3- Eedaysanuhu waa dambi-laawe inta aanu maxkamad horteed kaga cadaanin dambi.

Qodobka 27aad

Xuquuqda qofka xorriyadda laga qaaday

1- Qofka xorriyadda laga qaadey waxa uu xaq u leeyahay in uu la kulmo sida ugu dhaqsaha badan qareenkiisa, qaraabadiisa ama cidii kale ee uu codsado.

2- Qofka xorriyadda looga qaadey fal-dambiyeed lagu eedeeyey awgeed, waxa uu xaq u leeyahay in lagu horgeeyo maxkamad 48 saacadood gudahood, laga bilaabo marka la qabtay.

3- Waxa reeban in qofka lagu dirqiyo qirasho dambi, marag furid ama dhaar mid kasta oo arimaha ka mid ah oo qofka khasab lagu marsiiyaana wax ka soo qaad malaha.

4- waxa reeban in qofka lagu xidho meel aanu xeerku banayn.

5- xeerka ayaa xadaynaya mudada ugu badan ee qof loo hayn karo baadhitaan.

6- Eedaysanuhu waxa uu xaq u leeyahay in go’aan maxkamadi ku ridey uu rafcaan uga qaato maxkamada ka sareysa.

7- Marka qof la qabto iyo iyo marka la cusbooneysiinayo sii hayntiisa waxa uu xaq u leeyahay in arintiisa la ogeysiiyo qofka uu doorto.

8- Xabsigu waa edbin iyo toosin dawladana xil baa ka saaran kor u qaadida akhlaaqda iyo xirfad barida maxbuuska si uu ugu soo noqdo bulshada isaga oo yeeshay dhaqan suuban.

9- ciqaabta lagu mutaysan karo jabinta faqradaha 1aad ilaa 7aad ee qodobkan xeer ayaa cadeynaya.

Qodobka 28aad

Xaqa dacwada iyo isdifaaca

1- Qof kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu dacwad xeerka waafaqsan ka furto maxkamada awooda u leh.

2- Qof kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu iska difaaco maxkamada horteeda.

3- xaaladaha xeerku tilmaamayo Qaranku wuxuu kafaalo qaadayaa in uu bixiyo difaac lacag la’aan ah; iyada oo saboolkana laga dhaafi karo ajuurada maxkamada.

Qodobka 29aad

Xurmeynta Hoyga

Hoyga iyo meelaha kale ee la dagan yahay waxay leeyihiin xurmayntooda; mana banaana basaasidooda,baadhidooda iyo gelidooda, hadaanu jirin amar garsoore oo sababaysan. Waxa waajib ah in si toos ah loogu akhriyo amarka garsooraha mulkiilaha ama deganaha hoyga inta aan la galin. Baadhaha waxa ka reeban ku xadgudubka amarka garsooraha.

Qodobka 30aad

Xorriyada isgaadhsiinta

Qofna lama faragalin karo qoraaladiisa gaarka ah, waraaqihiisa boosta ama xidhiidhkiisa isgaadhsiineed, marka laga reebo xaalada uu xeerku baneeyo baadhitaankooda, daba-galkooda ama dhagaysigooda iyada oo ay markaana waajib tahay in la helo amar garsoore oo sababaysan.

La soco……..

QALINKII; Muhamed Dhimbiil

COMMENTS
LINKS