Bangiga Adduunka oo Soomaaliya Ugu Deeqay 80 Milyan oo Dollar | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Bangiga Adduunka oo Soomaaliya Ugu Deeqay 80 Milyan oo Dollar
September 26, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Bangiga adduunka ayaa ansixiyey in Soomaaliya la siiyo 80 malyan oo Doollar oo ay ku bixiso isbeddelada lagu samaynayo hanaanka dhaqaalaha, taasoo noqonaysa markii 1aad ee ay lacag noocaas ah hesho muddo 30 sano ah.

Baanka adduunka oo hakiyey xidhiidhkii uu Soomaaliya la lahaa markii uu dagaalka sokeeye qarxay 1991, ayaa sii ambaqaaday taageerada uu siiyo Soomaaliya 2003, xilligaasoo uu sheegay inuu diiradda saarayo xanuunka HIV/AIDS, iyo barnaamijyada xoolaha Soomaalida oo uu kala shaqaynayo hay’ado kale, laakinse marnaba ma aanu ansixin lacag toos ah oo la siiyo xukuumadda.

Wuxuu dib u furay xidhiidhkii tooska ahaa ee xukuumadda federaalka.

Guddiga ugu sarreeya ayaa ansixiyey 60 malyan oo Doollar oo ah mashruuca isbeddelka dhaqaalaha iyo kharashaadka wareega, iyo 20 malyan oo Doollar oo lagu bixinayo mashruuca sare u qaadidda awoodda xagga maamulka iyo cashuuraha gudaha. Sidaa waxaa lagu sheegay hadal la soo saaray gelinkii dambe ee Salaasadii.

Image result for World Bank 80 Milions Somalia

“Waxay u taagan yihiin talaabo wanaagsan oo loo qaaday xagga horumarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya” ayuu baanku yidhi.

Wuxuu kaloo sheegay inuu kala shaqaynayo dawladda Soomaaliya sidii loo hagaajin lahaa adeegyada ay ka midka yihiin waxbarashada iyo daryeelka caafimaadka, helitaanka biyo nadiif ah, iyo tamarta iyo dhaqaalaha – kuwaasoo soo hoos galaya barnaamij guud oo baanka adduunku uu kula shaqaynayo Soomaaliya.

Waxaa la saadaaliyey sida uu baanku sheegay koboc celceliskiisu uu noqonayo 3.5% iyo 4.5% sannadkiiba muddada u dhaxaysa 2019 -2022, markaasoo la qabanayo barnaamijyada adeegyada bulshada.

“Inkastoo beeruhu ay muhiimadda 1aad u yihiin dhaqaalaha, haddana waxay u nugul yihiin isbeddel degdeg ah oo yimaada. Sidaa darteed, adeegyada ayaa sii ahaan doona kuwa wada koboca, gaar ahaan dhaqaalaha, gaadiidka iyo isgaadhsiinta iyo ganacsiga” ayuu yidhi baanku.

Todobaadkii hore ayey hay’adda caalamiga ah ee lacagta (IMF) waxay sheegtay in koboca dhaqaale ee ay sannadkan filayso uu yahay 3.1% kaasoo ka duwan kii sannadkii hore oo ahaa 2.3%, iyadoo Soomaaliya ay  ka soo kabanayo abaar sannadkii hore ku dhufatay.

COMMENTS
LINKS