Baanankeena Wax Maalgaliyaa Faa’iido Aan Warwar Khasaare Lahayn Bay Rabaan.Qalinkii Barkhad-ladiif. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Baanankeena Wax Maalgaliyaa Faa’iido Aan Warwar Khasaare Lahayn Bay Rabaan.Qalinkii Barkhad-ladiif.
September 26, 2018 - Written by Editor:

Wadankeena ma jiro Baanan faro badan oo hadii aad lacag u baahato laga helo amaba maalgalin laga helo marka laga reebo labada baan ee Dahabshiil iyo Salaama oo dadka u doontaa maalgalin ama lacag kala kulmaan niyad jab iyo shuruudo ad adag oo inta ka baxda yar tahay.

Labada Baan iyaga xuurto ku haysta dalka, isla markaana ma jecla baanankii caalamiga ahaa ee iman lahaa kana qiimo jabnaan lahaa, kuweena, waayo iyagu waxay faa’iidada ka dhigteen 15%, halka baananka ajaniba ahina ay yihiin 3% .

Dulsaarka ama faa’iidadda magaca doontid ula baxoo aad bay kuweenu uga badan yahay kuwo gaaladdu waxay saaraan, maalin dhoweyd nin lacag ka amaahanayey shirkadahan oo doonayey afartan kun, waxay u sheegeen in toddoba kun oo doolar ugu jirto haddii wakhtiga lala ballamay ku bixin waayana ay ku sii kordhayso, taasina waa faa’iido aan warwar ku jirin inuu khasaarayo faa’iido mooyee.

Sidoo kale, marka aad wax ka amaahanayso hadii aad guri dhisan damaanad ugu gayso waxay qiimaynayaan gurigaasi inay ka heli karaan lacagtoodii iyo halka uu ku yaallo, taasina waxay meesha ka saaraysa khasarihii oo mar walba waxay ka cararayaan inay khasaaraan inay faa’iidaan mooyaane, Culimadda shareecada ku xeesha dheerna waxay ka dayriyaan haddii shay khasaare iyo Faa’ido yeelan waayo in xalaasheedu mugdi ku jiro, waayo ganacsigu waa khasaare iyo faa’iido, mar walba waa inaad ka warwaraysa ma khasaari doorkan mise waa faa’iidi, lakiin tan lacagta la amaahinaya marna kuma jirto khasaaro faa’iido mooyee taas ayey culimo badan ku tilmaamaan in aanay xalaasheedu cadeyn.

Waxaan taxanna ka dhigi doonaa niyad jabka ay dhalinyarta maalgashiga doonaya kala kulmaaan labaddan baan ee ku kaliyeystay maalgalinta, mudadda qofka ku qaadanayso iyo jaranjarooyinka la mariyo iyo shareecada islaamka waxay ka qabto faa’iidada badan ee la saarto maalgashiga iyo baananka gaalada lagu sheegay inta ay faa’iido badan yihiim kuweena islaamka isku sheega.

QALINKII; BARKHAD  MAXAMED CUMAR

COMMENTS
LINKS