“Anigu Kulmiye Kama Tirsani, Guddoomiyenimadiisana Uma Sharaxni”.EX Wasiir Xaglotoosiye | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Anigu Kulmiye Kama Tirsani, Guddoomiyenimadiisana Uma Sharaxni”.EX Wasiir Xaglotoosiye
September 4, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN) – Wasiirkii hore wasaarada caafimaadka Somaliland xukuumadii Siilaanyo, Saleebaan Ciise Axmed “Xaglotoosiye” ayaa waxa uu ka hadley wararka sheegaya in uu u sharaxan yahay gudoomiyenimada xisbi xaakimka talada dalka haya ee Kulmiye, isagoo sheegay in aanu ka tirsanayan xisbiga Kulmiye islamarkaana aanu u sharaxnayn gudoomiyenimadiisa.

Dr. Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye ayaa waxaa uu ka hadley arrinta kornayl Caarre, waxaanu sidoo kale si qoto dheer uga hadley xidhiidhka ka dhexeeya isaga iyo xukuumada uu gadh wadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/rbJXTP0wwPI

COMMENTS
LINKS