|
|||||
WAJAALE NEWS
50 Milyan oo Qof oo Facebook Adeegsada oo Xogtooda La Xaday
September 28, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Shirkadda Facebook ayaa sheegtay in “ku dhawaad 50 milyan” oo qof oo adeegsada shabakadeeda xogtooda u dayacantay cillado farsamo oo xageed ka timid awgood. Shirkaddu waxay sheegtay in dadka xogtaa jabsaday ay ka faa’iidaysteen nugaylka qodobka ilaalada ee la yidhaa “View As” taas oo u sahashay in ay fakaag u helaan xogta dadka. Dhacdadan waxa la ogaaday Salaasadii, booliskana waa lagu wargeliyey ayey tidhi Facebook. Dadka adeegsada shabakaddan ee ay suurto galka tahay in ay arintani saamaysay ayaa isla markiiba Jimcihii lagu wargeliyey in ay xidhaan bogagooga oo hadana dib u furaan. Cilladii farsamo ee nugaylkaa keentay haatan waa la furdaamiyey, ayuu ku yidhi qoraal madaxa waaxda ilaalada xogta ee shirkaddu, waxaanu intaa ku daray in bogagga dadka arintaasi saamaysay dhamaantood la adkeeyey ilaalintooda iyo sida oo kale in la qaaday “talaabooyin ka hor tag ah” oo lagu daryeelay 40 milyan oo bog oo kale. Facebook, oo sicirka saamiyadeedu hoos u dhaceen in ka badan 3% maalintii Jimcihii, ayaa waxa si joogto ah u adeegsada shabakadeeda laba bilyan oo qof bishii ba. Hase yeeshee shirkaddu may sheegin dalalka ay ku kala suganyihiin 50 milyan ee qof ee bogagooda la jabsaday, laakiin waxay wakaaladda ilaalad xogta internet-ka ee dalka Ireland, oo xarun u ah qaybteeda Yurub, ku wargelisay dhacdadan. Dadka bogagga ay ku leeyihiin Facebook laga yaabo in arintani saamaysay ayaa marka ay damcaan in ay furtaan waxa u soo baxaysay fariin u sheegaysa in ay xidhaan boggooda oo dib u furtaan, hase yeeshee shirkaddu waxay sheegtay in dadkaa midkoodna aanay qasab ku noqon in ay bedelaan erayada sirta ah ee ay ku galaan bogaggooda.
Related posts:Dalada Dhalinyarada Somaliland Ee Sonyo iyo Ururada Bulshada oo Ku Dhawaaqay Yoolka Horumarka Waara Hogaanka Dhaqanka Gobolada Galbeedka Somaliland Oo Si Adag Uga Hadlay Doorashadii Dalka Ka Dhacday D... Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Oo Colaad Dhex Taalay Culimada Magalada Arabsiyo Sii Huriyey Ka Dib Mar... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|