“27 Sano Oo Aynu Dawlad Ahayn Ma Garanayno Tirada Hantida Maguurtada ah Ee Dawladda, Baabuurteeda Iyo Shaqaalaheeda! Waa Innagu Ceeb! Taasi” Prof Cabdi Cali. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“27 Sano Oo Aynu Dawlad Ahayn Ma Garanayno Tirada Hantida Maguurtada ah Ee Dawladda, Baabuurteeda Iyo Shaqaalaheeda! Waa Innagu Ceeb! Taasi” Prof Cabdi Cali.
September 2, 2018 - Written by Editor:

Waxan Daawaday xalay Barnaamij Tv-ga ka baxay oo lagu daahfurayay diiwaangalinta hantida maguurtada ah ee dawladda; waa ceeb innagoo dawlad ahayn 27 sano in aynu soo hambabarro oo nidhaahno maantaan diiwangalinaynaa hantidii maguurtada ahayd ee dawladda. Dee haddii aynu ka seexanay, hoos u sameeya hawsha oo yaan laga baahin TV-yada; illeyn dadka caqliga leh iyo duniduba way yaabayaan oo waxa la odhanayaa oo maxay qabanyeen muddada intaa le’eg?

TIRAKOOB 1

Tani waxay tusaale fiican u tahay cashar aynu maalin hore soo qaadanay oo aynu nidhi, haddii la dhisi waayo institutions-ka, waxba ma jirayaan; kan baa ah tusaale fiican, maxaa yeelay 27 sano ka dib, haddii aynaan hayn tiro-koobka hantida dawladda; taasi waa dhaxalka laga helo marka aad dhisan waydo insttitutions, isla markaana aad u taqaan dawladda golaha wasiirada iyo madaxweynahooda (dawladda muuqata), ka dib marka aad meesha ka saarto oo aad korin waydo dawladda aasan (deep state), oo ka bilaabanto Dg-ga; maxaa kuu aasan ee kuu hooseeya? Waxba; waadigaa maanta bilaabaya tirokoobka hantida, adiga oo dawlad aahaa 27 sano!!!!!

Maalin horena waxa la lahaa baabuurta dawladda ayaa la diiwangalinaynaa? Su’aashu waxa weeye oo maba garanayno tirada baabuurteena miyaa, innagoo dawlad ahayn 27 sano?!!!!!

Waxa iyana jirtay mashruuc 10 milyan oo dollar ku baxday oo World Banku innagu caawiyay oo ay soo saxeexeen Sacad Cali Shire iyo Haya’adda shaqaaluhu oo la yidhi shaqaalaha dawladdaa lagu horumarinayaa; illaa immika mashruucaas waxqabadkiisa kale ha inoo joogee waxaynu maqalay shaqaalihii dawladda ayaa la tiro koobay! oo mabaynaan garayn shaqaalaha dawladda innagoo dhisnayn 27 sano, miyaa?!!!!! Kaaga darane lagu lahaa tiradii shaqaaluhu waxay noqotay 14,000; waa hawl aad u yar si loo tirokoobo 14,000 qof, manay ahayn in la inaga caawiyo!!!! ceebay tacaal; waxa ka sii daran waa waxqabad lagu faano!!! hadduu sii go’ay!!!

Talo soo jeedin:

Waar haddii ay jirto in aynu immika hambabaray, dee Tv-yada haka sii daynina, ee hoos u qabta hawsha; maah-maah Somaliyeed baa tidhaa: faro geel jire hoos baa loo dhaqaa; maahmaah kale oo ingiriisi ah ayaa macnaheedu ahaa,haddii dharkaagu aad u uskagoobaan, laguma maydho shaarica!!!! madaxeynahana ha ku sawirina ee kala fogaada!!! Ileyn ceebtu meel innaga tagi mayso’e.

TIRAKOOB 2

 

QALINKII; PROF CABDI CALI JAAMAC; u Dhaq-dhaqaaqa Arrimaha Bulshada Iyo Maamul Wanaagga.

COMMENTS
LINKS