|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukuumada Somaliland Oo Qabtay Wasiirro Ka Tirsan Maamulkii Madaxweyne Cabdi Iley Oo Si Dhuumasho Ah Madaarka Hargeysa Kaga Baxayay.
August 23, 2018 - Written by Editor:Akhri Magacyada Labadan Wasiir + Muddada Ay Dalka Joogeen Iyo Halka Laga Qabtay Hargeysa (W,N) laamaha amaanka ee Somaliland ayaa gacanta ku dhigay xubno sare oo ka tirsan xukuumaddii Cabdi Maxamuud Cumar ee talada maamulka Killilka shanaad laga wareejiyay oo si qarsoodi ah gudaha Somaliland kusoo galay, isla markaasina uga baxa islahaa. Wasiirka waxbarashada dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Ibraahim Aadan Mahad oo ku magac dheer (Ibraahim Sacab) iyo wasiirka caddaaladda Cabdi Jamaal Axmed Qoloombi oo dhinaca xuduudka Wajaale kaga soo gudbay si dhuumasho, waxaanay ilaa toddobaad ku sugnaayeen magaaladda Hargeysa. Illo xogogaal ah ayaa Hubaal u xaqiijiyay in Labadan wasiir maalinimadii Salaasada ee Ciidda, laga qabtay madaarka Cigaal ee Hargeysa oo qorshahoodu ahaa inay ka dhoofaan, iyagoo usii jeeday dhinaca magaalada Muqdisho. xogtu waxay intaasi ku dartay in laamaha amnigu weydiiyeen labadan sarkaal su’aalo la xidhiidha sharciga iyo aqoonsiga ay sitaan, kadibna waxay sheegteen inay yihiin ganacsato xoolaha ka ganacsata. Muddooyinkii u dambeeyay waxa gudaha Somaliland soo gaadhayay dadka kasoo cararayay rabshadihii magaalada Jigjiga ka dhacay, kuwaasi oo qaarkood ay lasoo baxsadeen hanti oo Dawladda Somaliland gacanta ku dhigtay Related posts:DAAWO; Wasiirka Caddaalada JSL Oo Xabsiga Dhexe Ee Magalada Gabiley Ka Daah Furay Barnaamijka Maxbu... Madaxwayne Kuxigeenka Jsl Oo Sheegay In Talaabo Laga Qaadi Doono Cida Uhogaansami Wayda Go,aanka Xuk... Somalialnd Iyo Maamul Goboleedka Punthand Oo La Kala Wareegay Maxaabiista Dagaalkii Deegaanka Tuko-R... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|