Xukuumada Somaliland oo digniin adag u dirtay maamul goboleedka Puntland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Somaliland oo digniin adag u dirtay maamul goboleedka Puntland
August 20, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN) – Xukuumadda Somaliland ayaa ka jawaabtay hadalo hanbajaad ahaa oo ka soo yeedhay maamulka goboleedka Soomaaliya ee Puntland.

Afhayeenka wasaarada Gaashaandhiga Somaliland Cumar Cabdirisaaq ayaa sheegay inay tixgalinayaa go’aamadii ka soo baxay urur goboleedka IGAD iyo xafiiska wakiilka UN-ta u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya ee ahaa in deegaankaasi nabad lagu soo celiyo.

“Madaxda muddo kordhiska raba waxay maalin kasta warbaahinta la soo fadhiyaan kala fogeynta shacabka iyo waliba sidii ay fadqalalo uga ridi lahaayeen deegaanada Nabadda iyo harumarku ka jiro ee ka badbaaday maleeshiyadaas, ciidanka Somaliland wali may gaadhin xuduuda rasmiga ah ee aanu leenahay, taasi oo ah kambalka Garoowe ee maamulkaasi, balse waxaanu tixgalinaynaa oo dhowraynaa shacabka deegaanadaasi oo aanu barakac u diidanayn iyo si aysan cabsi badan u dareemin ciidamadaasi dushooda yimid, Tukaraq waa deegaan Somaliland ka tirsan”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkaasi ka soo baxay wasaaradda Gaashandhiga.

“Somaliland waxa ka go’an nabad ku wada noolaanshaha wadamada jaarka, balse ma aqbalayso cid kasta oo xuduudaheeda ku soo xad gudubta, wasaarada gaashaandhiga iyo ciidanka qaranku waxa ka go’an in ay sugaan xuduudda kala duwan ee dalka, waxaanu dignin u dirayna maamulka Puntland ee Soomaaliya oo aanu leenahay nabad ku wada noolaanshaha mandaqada waanu tixgalinaynaa hadiisa aad tixgalin waydaan waxaad kala kulmi doontaan wixii aad hore ciidan kaa xoog badan kala kulmi jirtay”ayaa lagu yidhi qoraalkaasi ka soo baxay wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland.

 

WARIYE: XAMSE JIRDE

WAJAALENEWS.NET

HARGEYSA OFFICE

 

COMMENTS
LINKS