Xisbiga Waddani oo Sheegay In Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Raali Ka Ahayn Qabsoomida Doorashooyinka Soo Socda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xisbiga Waddani oo Sheegay In Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Raali Ka Ahayn Qabsoomida Doorashooyinka Soo Socda
August 16, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed “Cabdilaahi Daamur” oo ka mid ah masuuliyiinta iyo hogaanka sare ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxa uu Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyay in aanay marnaba raali ka ahayn qabsoomida doorashooyinka la rabo in ay dalka ka dhacaan sanadka 2019.

Sidoo kale Siyaasi Cabdilaahi Daamur ayaa waxa uu sheegay in aanay wali Xukuumada Somaliland wax talaabo ah ka qaadin Koomiishanka doorashooyinka ee Xibiga Waddani ka cabanayo.

Dhanka kale Siyaasi Cabdilaahi Daamur ayaa waxa uu Sheegay in xisbi ahaan ay soo dhawaynayaan hadalkii Guddoomiyaha xisbiga Ucid ee uu ku sheegay in wadahadal laga galo Koomiishanka doorashooyinka Somaliland.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 

 

WARIYE: XAMSE JIRDE

WAJAALENEWS.NET

HARGEYSA OFFICE

COMMENTS
LINKS