Xiisad Ka Dhalatay Dilka Laba Dhalinyaro Ah oo Ka Tagan Laascaanood | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xiisad Ka Dhalatay Dilka Laba Dhalinyaro Ah oo Ka Tagan Laascaanood
August 21, 2018 - Written by Wariye:

Laascaanood (WJN) – Xiisad cakiran ayaa ka taagan magaalada Laascaanood, Kadib markii ciidamada ilaalada gudoomiyaha gobolka Sool ay laba dhalinyaro ah ay  toogteen, halka mid kalena ay dhaawaceen.

Dhalin-yaradan oo la sheegay in ay wateen sadex gaadhi ayaa la sheegay in ku soo dhowaadeen goob ku taal duleedka bari ee magaalada Laascaanood.

Wiil iyo Gabadh da’doodu tahay 20 jir ayaa falkaa ku dhintay, halka gabadh kalana ay dhaawac tahay, waxaana la sheegayaa in dhalinyaro kale oo saarnaa gaadhiga ay goobta ka carareen.

TAABO  HALKAN SI AAD U HESHID WARAR XIISO BADAN

Arintan dhacday ayaa ku soo beegantay iyadoo maalin ciid ah la sugayo iyo gudoomiyaha cusub oo ay ahayd maalintii u horeysey oo uu xafiiska fadhiistay.

Ehelada dadka wax-yeeloobey ayaa diidey in la aaso, iyadoo gudiga nabad-gelyada gobolka Sool oo aan ilaa hada ka hadlin waxa laga yeelayo xaalada.

COMMENTS
LINKS