|
|||||
WAJAALE NEWS
Xaalada Magaalada Jig Jiga oo Kacsan + Ciidamada Federaalka oo La Wareegay Xarumihii Dawlada iyo Wararkii Ugu Danbeeyay
August 4, 2018 - Written by Reporter:Jig Jiga (WJN)- Xaalada magaalada Jigjiga ayaa la soo sheegaya inay tahay mid kacsan, kaddib markii ay milatariga Federaalka Itoobiya gudaha u galeen. Dad badan ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaaladaasi waxaana lasoo sheegayaa inay halkaasi ka socoto bililiqo. Warar aanan la xaqiijinin ayaa sheegaya in Kaniisadda ugu wayn magaalada Jigjiga dab la qabadsiiyay. Ciidamada Milateriga ayaa dhamaanba qabsaday xarumihii maamulka oo ay ku jirto madaxtooyadu, ilaa iyo hadda-na wax war ah lagama hayo halka ay ku danbeeyeen mas’uuliyiintii maamulka Soomaalida Itoobiya. Sidoo kale wararka waxay sheegayaan in bangiyo la boobay halka hanti badana la bililiqaystay. Mucaaradka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ku baaqay shacabku inay is-dejiyaan islamarkaasna ay ilaaliyaan nabadgelyada. Waxay sidoo kale ugu baaqeen hoggaamiye dhaqameedyada ay inay ka shaqeeyaan xasiloonida iyo xallinta dhibaatooyinka soo food saaro shacabka. Mucaaradka ayaa sidoo kale sheegay inay ku faraxsan yihiin in miltariga ay soo farageliyaan maamulka Soomaalida. Mid kamid ah mucaaradka oo ku sugan magaalada Dir Dawe ayaa sheegay inay tegayaan magaalada Jigjiga ayna kulanka labaad ku ballansan yihiin magaaladaasi. Wuxuu intaasi ku daray in maanta goobo ganacsi la bililiqaystay halka Kaniisado la gubay.
Related posts:Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Doorashada Madaxwaynaha Cusub Ee Somaliya Xasan Sheekh Iy... Maayarka Caasimada Hargaysa Oo Booqasho Ku Tagay Xarunta Wakaalada Horumarinta Arimaha Bulshada Ee D... R-Wajaale: Arkaanta Uu Leeyahay Soonku ee Lagama Maarmaanka ah, Qaybtii 4-aad ee Casharada Taxanaha ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|