“Waxa Ayaan Daro ah In Madaxwayne Muuse Biixi Iyo Xukuumadiisu Dhagaha ka furaysteen Baaqa ka Yimid Qaraabada Siyaasi Cali Sandule Ee Xaaladiisa Caafimaad”Amb Axmed Safiina. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waxa Ayaan Daro ah In Madaxwayne Muuse Biixi Iyo Xukuumadiisu Dhagaha ka furaysteen Baaqa ka Yimid Qaraabada Siyaasi Cali Sandule Ee Xaaladiisa Caafimaad”Amb Axmed Safiina.
August 25, 2018 - Written by Editor:

Waxa ayaan daro ah in Madaxwayne Muuse Biixi iyo xukuumadiisu ilaa hada dhagaha ka furaysteen baaqa ka yimi qaraabada Wasiir cali sandule ee lagaga dayriyay xaaladiisa caafimaad. Madaxwaynuhu haduu maqlay kana aamusay ama kasoo habsaamay waa musiibo, hadaanu wali maqlina waa musiibo kasii wayn.

Dayaca uwayni wuxuu ka yimi wasiirada Madaxwayne Muuse biixi ee u dhashay gobalka Sool oo ah kuwo aad u jilicsan oo waxmatare u badan. Madaxda kasoo jeeda gobalka Sool iyagaa mucaarad iskugu Filan.

Waxa karaamo daro qaran ah in maanta Madaxwaynaha maamul gobaleedka Puntland ka soo jawaabo baaqa xaalada caafimaad ee wasiirka, waa siyaasad wayn oo rugcadaa kasoo shaqeeyay, waana isku day hanasho quluubta shacabka gobalka Gool, laguna kala dilayo Somaliland iyo shacabka G/sool, Waxaan u arkaa inuu ku Jees jeesayo tacab kii hore ee Wasiir cali sandule galiyay gobalkiisa iyo dalkiisa kuna til maamayo inuu ahaa hal Bacaad lagu lisay.

Cali sandule wuxuu ahaa wasiir qaran muu ahayn Wasiir gobal ama wasiir xaafadeed. Bari ilaa galbeed isagaa u madax-ahaa. Maanta haduu Xanuusado, haduu caafimaado, iyo haduu qarankiisa u shaqeeyo, Somaliland ayuu u dhashay.

Waxaan u mahad celinayaa Madaxwayne Siilaanyo, Xildhibaan Nacnac, Madaxdii, iyo shacabkii, ilaa maanta ku sii qulqulayay guriga Wasiir Cali ee soo booqanayay una soo ducaynayay. Maraa aan la xidhiidhay caawa wariye Faysal Adan Fifa wuxuu iisheegay inuu ka soo raynayo aadna ugu farxay booqashadii badnayd ee maanta.

Ilaahay Waxaan ka baryayaa inuu caafimaad sariica siiyo walaalkeen Muwaadin cali sandule xanuun ka haynaa ka dulqaado isagaa caadilee.

Ugu dambayn Waxaan ku baaqayaa inaan la siyaasad aynu caafimaadka walaal keenaa Dhiban.

-(Qarankay-goow Raxmaan baynu leenahay.)-

QALINKII;. Amb Ahmed Safiina

 

COMMENTS
LINKS