Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Somaliland oo soo bandhigay qalab casri ah oo cashuurta lagu qaadayo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Somaliland oo soo bandhigay qalab casri ah oo cashuurta lagu qaadayo
August 28, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Waaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi iyo Masuuliyiinta Waaxyaha Cashuuraha ee Wasaaraddaas, ayaa maanta si wada-jir ah u soo bandhigay qalab cusub oo Hab casri ah u shaqaynaya oo lagu qaadi doono Cashuurta qaarkeed, isla markaana qaybta koowaad la hirgeliyey oo online ahaan iyo elagtaroonik ah oo lagu bilaabay hadda 140 Meheradood oo Hargeysa ku yaalla iyo nidaam kale oo ay Hay’addaha dawladdu kharashaadka kaga dalbanayaan Wasaaradda Maaliyadda iyo sidoo kale adeeg lagu ogaan karo xaddiga lacagta Meheradaha soo gasha iyo cashuurta ku waajibta-ba.

Shir Jaraaid oo uu Wasiirka Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi ku qabtay Xarunta Xafiiska Cashuuraha Berriga Wasaaradda horumarinta Maaliyadda ee magaalada Hargeysa, waxa uu kaga warbixiyey Qalabkaas iyo adeegga lagu fulin doono, iyaga oo markii dambena mid mid u galay qolalka qalabkaasi ku rakiban yahay, Mid walbana Masuulka qaabbilsani Sharraxaad ka siiyey Wasiirka.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 

COMMENTS
LINKS