|
|||||
WAJAALE NEWS
Warbixinta Golaha Wakiilada Ee Musuq-Maasuqa: Warbixin La Yaab Badan … Iyo Waraysi Ka Sii Yaab Badan.
August 14, 2018 - Written by Editor:Waxaan xalay daawaday waraysi qaatay in ka badan saacad oo HCTV la yeeshay Xil. Nasir Cali Shire oo ah gudoomiyaha Gudida Ilaalinta hantida Qaranka, waraysigaasi oo ku saabsanaa warbixintii ay guddidu ka diyaarisay xisaab-xidhkii sannadkii 2016. Dhaqan uma lihi inta badan in aan daawado waraysiyo badan oo ka baxa tv-yadeena, laakiin arrinkan iyo xiisaha gaarka ah oo uu abuuray ayaa igu kalifay in aan barnaamijka dhamaysto, walibana aan meelaha qaar dhawr jeer ku cel-ceshado. Markaa aan xuso qaar ka mid ah arrimaha la yaabka badan igu abuuray, waxa ka mid ahaa:
Dhibta haysata warbaahinteena waxay tahay in wariyuhu u haysto inuu wax walba kaligii garanaayo, oo aanuu u baahnayn inuu diyaarin dheer galo ka hor waraysi walba, ama uu samaysto shaqaale u sameeya baadhistan qotoda dheer, sida ka jirta warbaahinta caalamka, oo ugu dambayn wariyaha loo dhiibo su’aalaha oo ah kuwo in badan laga soo shaqeeyay. Arrintan waxa kuu cadaynaysa in aad arkaysid in wariyaasheenu aad mar arkaysid isagoo soo gudbinaaya barnaamij siyaasadeed, mar kale-na soo gudbinaaya barnaamij la xidhiidha arrimaha bulshada, mar kale-na soo jeedinaaya barnaamijka la xidhiidha ciyaaraha ama fanka, arrintaasina maaha mid marnaba ka dhici karta warbaahinta in uun ixtiraamaysa caqliga iyo karaamada dadka ku xidhan.
Xildhibaanku muxuu u yimid barnaamijka? Ma inoo xog ku saabsan shaqadiisa ee aan warbaahintu ogayn in uu u sheego? Mise inuu warbaahinta iyo dadwaynaha baro shuruucda dalka iyo nidaamkiisa ee cid walba heli karto? Wariyaha ayaa laga doonayaa inuu hayo dhamaan wixii xog ah ee si guud bulshada loogu soo bandhigay, haddii ay tahay warbixinta ay guddidu soo saartay iyo haddii ay tahay shuruucda iyo nidaamyada kale ee dawlada uga dajisan arrintan, waxa kaliya ee laga doonaayo martida waa aragti iyo faallo iyo xogo aan bulshada loo soo bandhigin oo uu sifadiisa shaqo ku helay. Haddaba marka aanuu wariyuhu wax xog ah ka haynin nidaamka guud ee dalka iyo shuruucdiisa iyo sidoo kale dhacdooyinka muhiimka ah ee dalka ka dhacay, wuxuu martidu jahliga wariyaha u adeegsanayaa si uu u noqdo macalin wax walba oge ah, taasoo waraysigan ay si weyn ugu jirtay in si badheedh u eeg uu xildhibaanku xog khaldan ka bixinaayay shuruucda iyo xogta guud ee bulshada ee hore loogu soo bandhigay. Sidaa awgeed talada aan siinaayo warbaahinteena waxay tahay inay baadhis badan sameeyaan ka hor waraysi walba, si shacabka loogu soo bandhigo wax laga faa’idaysan karo. Dhinaca Xildhibaanka iyo warbixinta Guddidiisa:
Haddaba warbixinta gudida ilaalinta hantida qaranka ee golaha wakiilada aynu su’aalo iska waydiino:
Arrinta ugu weyn ee warwarka igu abuurtay waxay tahay in hawshan aqoon darrada ku salaysan ay sii fogaynayso in dalka laga hirgaliyo nidaam dawlad wanaag iyo isla-xisaabtan, taasoo u sii seeta-dheeraynaysa musuq-maasuqa baahsan ee dalkeena la hadhay. Ugu dambayn waxaan ugu baaqayaa muwaadin kasta oo xor ah oo Ilaaahay ka cabsanaaya wadankiisana rajo ka leh inuu joojiyo bixinta cashuurta nooc kasta ha ahaatee ilaa inta la hagaajinaayo nidaamka xisaabeed iyo maamul ee dawlada, inta awoodiisa ah, haddii aanuu awoodinna inuu ka baxsado oo uu ka meer meero bixinta cashuurta si aynaan u sii naaxin nidaamkan ma naxaanka ah ee dalka ku haabsaday. Qof aan aqoon badan lahayn ayaa odhan kara joojinta cashuur bixintu dawlada ayuu duminayaa, qofka sidan oo kale u fikiraaya waxa muhiim ah inuu ogaado in sii bixinta cashuurtan la wada og yahay in lagu takrifalaayo ay iyadu tahay dawlad dumin, sababtoo ah waxay sii xoojinaysaa nacaybka iyo kala qaybsanaanta bulshada, waxayna gabi ahaan meesha ka saaraysaa dareenkii dawladnimo ee ku salaysan wax wada qabsi iyo adeeg. Halka joojinta bixinta cashuurtu haddii ay muwaadiniintu nala qaataan ay abuuri doonto jawi isla xisaabtan, kaasoo udub dhexaad u ah dawlad wanaagga. Ilaahoow na garansii dantayada… na waafajina in aanu dantaayada raacno… aamiin. Qalinkii; Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi) COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|