|
|||||
WAJAALE NEWS
War Deg Deg Ah: Cabdi Maxamuud Cumar iyo Masuuliyiin Kale oo Maxkamad Lasoo Taagay
August 29, 2018 - Written by Reporter:Addis Ababa (WJN)- Maxkamadda Sare ee Itoobiya ayaa waxaa la horkeenay Cabdi Maxamuud Cumar, madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida iyo afar mas’uul kale oo maamulkiisa hore uga mid ahaan jiray. Sida ay tabinayso warbaahinta dowladda Itoobiya, Cabdi iyo dadka kale oo ay haweenay ku jirto ayaa loo heystaa dambiyo la xidhiidha ku xad gudubka xuquuqda aadanaha iyo kicin rabshado qoowmiyado ka dhaxeeya. Cabdi Maxamuud Cumar ayaa laga xidhey guri ku yiilay magaalada Addis Ababa 27-dii bisha, kadib markii maalin ka hor baarlamaanka deegaanka uu xasaanaddii ka qaaday isaga iyo 6 mas’uul oo kale. Lama oga in Cabdi Maxamuud Cumar qareen loo ogolaaday iyo in kale, balse waxa ay u muuqataa in la mariyay nidaamkii madaniga ahaa ee habraaca garsoorka, taas oo ah in dacwadda marka hore furo xeer illaaliyaha, booliiska xidhaan, kadibna maxkamad la geeyo 24 saac gudahood.
Related posts:DAAWO: Kulankii Dhexmaray Guddoomiye Cirro Iyo Marwada Madaxwaynaha Aamina Waris + Kalmadihii Dardaa... DAAWO: Hargeysa Oo Xalay Lagu Qabtay Xaflad Lagu Xusayey Sanad-guuradii 100-Aad Ee Kasoo Wareegtay W... Xildhibaan Bashiir Xuseen Tukaale Oo Hambalyo Udiraya Umada Reer Somaliland Meel Kasta Oo Ay Joogan COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|