|
|||||
WAJAALE NEWS
Siyaasi Mustafe Shiine oo Soo Dhaweeyay Xilka Qaadista Naasir Cali Shire
August 19, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Guddoomiyhii hore ee gobolada Awdal, Gabiley, Sool iyo maroodi jeex, Mustafe Cabdi Ciise “Mustafe Shiine” ayaa soo dhaweeyay xil ka qaadista xildhibaan Naasir Cali Shire, kaasi oo uu ku tilmaamay mid wax ku qiimeeyay caadifad iyo halagaa sheego. Mustafe Shiine waxa isagoo arrintaa ka hadlaya uu yidhi.”Naasir Cali shire, warbixintiisii waxay ahayd mid ay ku jirtay deg deg badan iyo hubsiimo la’aan, ujeedada keliya uu ka lahaana waxay ahayd “ha lagaa sheego ” iyadoo aanu eegayn dhaawaca siyaasadeed ee uu gaadhsiinayo golaha iyo xisbiga uu ka tirsan yahay ,isla markaana aanu iska hubin meel ka dhaca uu u geysanaayo ashqaasta isugu jirta ganacsatada iyo masuuliyiinta uu ku magac dhabay warbixintiisa. Mustafe Shiine waxa uu intaa raaciyay in xildhibaanku ay tahay inaanu sii hayn xilkaa oo uu ku raacsan yahay gudoomiyaha wakiilada Mudane Baashe in uu dhaafiyo kursigaasi, maadaama uu xitaa u hogaansami waayay sixitaankii ay isla qaateen shirgudoonka iyo xubnihii kale ee guddida. Gudoomiyihii hore ee Maroodijeex, waxa kale oo uu sheegay in inta badan warbixintii guddida ay ahayd wax ay ka akhriyeen xisaab xidhkii 2016, balse aanay baadhis qoto dheer aanay ku dhamayn sida hadalkiisa ka muuqatay, keliya uu soo eegay dhawr goobood oo mashaaric socota ay ka jirtay oo aanu ku qancin shaqsi ahaan in dhaqaalaha warbixinta ku qoran uu u qalmo mashruuca, iyadoo aanu waxba ka weydiin guddida mashaariicda waday in ay wada isticmaaleen aduunkii ay ku qaateen mashruuca ama ay wax ka hayaan, iyadoo uu Mustafe Shiine Tusaale u soo qaatay garoonka kubada cagta ee Shulaac, kaasi oo guddidii haysay ay sheegtay in lacag intaa ka badan loo hayo, mashruucana aanu dhamaan. Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray in sidoo kale uu xildhibaanku il ka aragtay ku cabiray mashaariic la fuliyay oo dhamaystirantay, kuwaasi oo dhamaan hay’addaha dawlada sida qandaraasyada, hantidhawraha iyo xisaabiyaha guudba la mariyay, sidaana ku hirgalay oo uu leeyahay lacag intii loogu talo galay ka badan baa ku baxday, xildhibaanku waxa uu iska indho tirayaa in laba guri oo isku naban oo laba shakhsi kala dhisteen aanay isku qiimo ku dhamaan, iyadoo labada qandaraasle midba inta ay isaga bixinayso uu ku qandaraaso, sidaa daraadeed aan la odhan karin waa musuq-maasuq, haddiiba dhamaan hay’addihii sharcigu ay waajibkoodii ka gudeen.
Wariye: Xamse Jirde Wajaalenews.net Hargeysa Office Wajalenews@gmail.com Related posts:Daawo-Muuqaal: Damqasho Badan Ee Dareenka Maatida iyo Caruurta Ay Saamaynta Ku Reebtay Colaada Deega... DAAWO;-Sucaad Carmiye Oo Ka Warbixisay Shirkii Lagu Qabtay Jabuuti Iyo Waxyaabaha lagaga Wada Hadlay... Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland Oo Dood Adag Ka Yeeshay Siyaasadda Arrimaha Dibada Somalilan... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|