Shirkadda Facebook oo bilaabaysa adeeg ay kula tartamayso barta YouTube | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkadda Facebook oo bilaabaysa adeeg ay kula tartamayso barta YouTube
August 29, 2018 - Written by Reporter:

Shirkadda Facebook ayaa bilaabaysa bar lagu daawado muuqaalada guud ahaan caalamka sanad uun ka dib markii ay shirkadu xadhigga uga jartay dalka Mareykanka.

Dad isticmaalaya bartaasi ayaa waxa ay kala xulan karaan muuqaalo kala duwan oo isugu jira kuwa cusub iyo kuwa hore loo sameeyay, waxaana u suuragalaysa in ay daawadaan muuqaalada wararka ee hore loo kaydiyay.

Shirkadda ayaa qorshaynaysa in ay u ogolaato dhammaan dadka sameeya muuqaalada in ay saartaan xayaysiisyo waa haddii ay daawadayaashooda gaadhaan tirada cayiman ee loo baahan yahay.

Ilaa iyo iminka dad tiro kooban ah oo la soo xushay ayaa fursad loo siiyay in ay bartani muuqaalada facebook ay wax ku daabacaan.

Bilowga arrintan ayaa waxaa muuqaalada daawan kara oo kali ah dadka ku sugan dalalka UK, Mareykanka, Ireland, Australia iyo New Zealand.

Dakhliga ka soo baxa xayaysiiska lagu dhexladho muuqaaladan ayaa waxa kala qaybsanaya dadka muuqaalada sameeya iyo shirkada Facebook.

Dadka curiya muuqaalada barta muuqaalada ee facebook ee Watch la galinayo ayaa 55% helaya dakhliga soo xarooda halka shirkadda facebook ay heli doonto 45%.

Shirkadda Facebook ayay ahayd in ay xadhiga ka jarto barta cusub ee muuqaalada Arbacada, balse waa la soo hormariyay ka dib markii macluumaadka arrintani la xidhiidha la dusiyay.

Sidaasi daraadeed ayaa qaar ka mid ah dadka imika doonaya in ay isticmaalan bartan muuqaalada laga yaabaa in aysan u suuragalin in ay isticmaalaan.

Daawadayaasha war-moogga ah

Adeegga watch ee Facebook ayaa waxaa loo arkaa in uu loolan kula jiro barta Youtube ee ay shirkadda Google ay leedahay, balse sidoo kale waxa uu adeeggan tartan culus kula jiraa taleefishinada caadiga ah iyo xitaa kuwa khadka internetka lagu baahiyo ee idaacadaha la’iska arko sida barta Netflix ee aflaamka laga daalacdo, tan Amazon iyo BBC iPlayer.

Daraasad la sameeyay toddobaadkii aanu soo dhaafnay ayaa ka hadlaysa sanad ka dib markii ay shirkadda facebook ay xadhigga ka jartay bartan muuqaalada laga daawado.

1,632 ka mid ah dadka isticmaala barta Facebook oo su’aalo la waydiiyay ayaa waxaa ay 50% ay sheegeen in aysan waligood daawan barta muuqaalada ee Facebook, halka 24% ay sheegeen in aysan waligoood maqal.

Daraasada ayaa waxa ay sameeyay shirkadda the Diffusion Group.

Boqolkiiba 14 oo kali ah ayaa shirkadda u sheegay in ay isticmalaan toddobaadkii hal mar.

Waxa uu la gaar yahay adeegga Watch

Facebook waxa ay sheegtay in adeeggan Watch uu kaga duwanyahay kuwa kale ee la midka ah sida dadka isticmaala ay fariimaha isu weeydaarsan karaan.

“Waxaa loo dhisay qaab ah in qofkii daawado muuqaal uusan ku daawan qaab isaga oo kaliya ah oo maahsanaan ah, waxaad heli kartaa in aad saaxiib kala sheekeysatid waxa aad daawanaysid” ayuu yidhi Fidji Simo oo ah ku xigeenka madaxa muuqaalada Facebook.

 

 

Source: BBC Somali

COMMENTS
LINKS