Shacabka Reer Jigjiga oo Markii U Horreysay Masaajiddo Ku Tukaday Salaadda Ciidda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shacabka Reer Jigjiga oo Markii U Horreysay Masaajiddo Ku Tukaday Salaadda Ciidda
August 21, 2018 - Written by Reporter:

Jigjiga (WJN)- Dadka magaalada Jigjiga ayaa salaadda ciidda ku tukaday masaajidda, waana markii koobaad ee aanay barxad isugu imaanin muddo dheer.

Arrintaas ayaa timid ka dib markii aan wax diyaar garaw ah laga sii samaynin garoonkii ugu waynaa magaalada Jigjiga ee salaadda ciidda marti galin jiray, sida uu sheegay Cabdiraxman Xasan Xuseen oo ah madaxa Gollaha Sare ee Arrimaha Islaamka ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Waxaa kale oo magaalada Jigjiga ku cusbaa in dadku ay tukadeen iyaga oo taleefoonnadooda wata, waxaa caaddo ahayd in laamaha ammaanku ay diidi jireen in garoonka lagu tukanayo lala galo taleefoonnada gacanta.

Dhanka kalana roob mahiigaan ah ayaa xalay ka da’ay magaalada Jigjiga kaas oo nadiifiyay wadooyin ay wali ka muuqdeen raadkii rabshadihii bishan horraanteedii ka dhacay ee burburka baaxadda leh gaystay.

Enternet-ka ayaa wali ka maqan magaalada, balse noloshii kale ayaa tartiib tartiib sideedii ku soo laabanaysa.

COMMENTS
LINKS