Shacabka Deegaanada DDSI Oo Soo Dhaweeyay Madaxwaynaha Cusub Ee La Doortay Iyo Isbadalka Ay Wadaan Madaxda Xusbigu!. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shacabka Deegaanada DDSI Oo Soo Dhaweeyay Madaxwaynaha Cusub Ee La Doortay Iyo Isbadalka Ay Wadaan Madaxda Xusbigu!.
August 23, 2018 - Written by Editor:

TOG WAJAALE (W,N) Xisbiga Dumuqraadiga Shacabka Somalida Etoobiya Oo Maalmahan Shirar Uga Socdeen Magaalo madaxda dalka Etoobiya ee  Adis,ababa ayaa Maalintii shalay ahayd waxay Madaxwaynaha ku Meel Gaadhka ah ee DDSI Udoorteen masuul cusub kaasi oo lagu magacaabo Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar) oo kamida qurba joogta deegaanada somalida etoobiya.

mustafe

Hadaba Tan iyo Wakhtigii Madaxda Xusbiga ay Doorteen madaxwaynaha cusub ee DDSI Waxaa goobaha ay bulshadu ku kulanto  aad loogu hadalhayn badnaa doorashada madaxwaynahan cusub haday tahay deegaanada kala duwan ee ismaamulka somalida  etoobiya, qurba joogta deeganada somalida  iyo damcan baraha bulshada waxaa siwayn loogu soo dhaweeyay madaxwaynaha cusub ee madaxda xisbigu doorteen kaasi oo ay xuseen in  ay aad ugu rajo wayn yihiin u uu soo celin doono kala danbayntii iyo sinaan iyo cadaalad ay ku wada nooladaan qoomiyadaha kala duwan ee somalida etoobiya.

_103078278_axmedshidesbc

Waxaana kamida meelaha sida wayn looga soo dhaweeyay magaalada tog wajaale qaybteeda Dawlad Deegaanka Etoobiya iyo deegaanada hoos yimaada gobolka Faafan, Magaalada Xarshi  Iyo dhamaan magaalooyinka teedsan xuduuda ay la wadaagaan Somaliland mid Awbare ilaa bali dhiig.

Dhanka kale Aqoonyahan Magaalada Harta Sheekha ayaa dhambaal hambalyo ah udiray madaxwaynaha cusub ee somalida etoobiya iyo gudoomiyaha xisbiga Dimuqraadiga shacabka Somalida Etoobiya ahna wasiirka Isgaadhsiinta Dawlada fadaraalka  Axmed Shide oo isagu Hormuud ka ah talaabooyinka isbadal ee dib loogu habaynayo maamulka kililka shanaad iyo sidii sharci loo horkeeni lahaa xubnihii ku lug lahaa Dhacdooyinkii foosha xumaa ee ka dhacay Magaalada jig jiga Iyo Guud ahaan Deeganada somalida etoobiya mudadii ay xilka haysay xukuumadii Madaxwaynihii hore  Cabdi Maxamuud Cumar.

Waxa kale dhambaalo hambalyo ah udiray Madaxwaynaha cusub  guud ahaan qurba joogta somalida etoobiya ee ku kala nool dacalada dunida sida; Maraykanka ,Uk, iyo Istareelia

Sikastaba ha  ahaatee waxaa marba marka ka danbaysa isa soo taraya talaabooyinka  dib loogu soo noolaynta maamula DDSI oo mudooyinkii udanbeeyay ku jiray qas iyo qalalaase waxaana laga rajo qabaa in Madaxda uu hormuudka u yahay gudoomiyaha xisbiga somalida Etoobiya Ahna Wasiirka Isgaadhsiinta Fadaraalka Etoobiya ay Bulshada Deeganada u Horseedi doonaan  maamulka ku dhisan cadaalad iyo sinaan, sidoo kale waxa laga dhur sugayaa talaabada sharci ee laga qaado cidkasta oo ku gaftay sharciga kuna kacday tacadi iyo iska horkeen shacab,

WAJAALENEWS DESK

TOG WAJAALE OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS