|
|||||
WAJAALE NEWS
Roobab Mahiigaan Ah oo Ka Da’ay Itoobiya iyo 8 Qof oo Ku Dhintay
August 22, 2018 - Written by Reporter:Addis Ababa (WJN)- Mas’uuliyiinta dalka Itoobiya ayaa waxa ay sheegeen in Siddeed qof ay ku dhinteen daadad ku dhuftay qayb ka mid ah dalkaasi kaddib markii roobab mahiigan ay ka da’ayeen dalka Itoobiya, Saamaynta roobabka fataahadaha wata wuxuu barakiciyay kumannaan qof. In ka badan 20 qof waxaa soo badbaadiyay militariga dalka Itoobiya kaddib markii guryahooda ay la wareegeen fataahadaha si xowli ah ku socday. Dhoobo ay wataan fataahada ayaa siddeed qof ku dilay waqooy galbeed dalkaasi, sida ay sheegeen guddiga qaran ee ka hortagga masiibooyinka Itoobiya. Roobabka dhaliyay fataahadaha ayaa saamayn ku haya qaybo kamid ah bariga iyo koonfurta Itoobiya.
Related posts:Maareeyaha Xafiiska Sama-Falka Oo Si Sharci Darro Ah Xilkii Uga Qaaday Isku-Duwaha Samafalka Awdal &... DAAWO;-Agaasimaha Madaxtooyada Oo Ka Hadlay Dhul Madaxwayne Biixi Iyo Qoysas Danyar Ahi Isku Haystaa... DAAWO;-Garyaqaan Eedo Culus Ujeediyay Gudoomiyaha Maxkamada Burco Oo Xukun Dalka Ku Cusub Fuliyay. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|