|
|||||
WAJAALE NEWS
Muslimiin caalamka isaga kala timid oo maanta bilaabaya acmaasha Xajka
August 19, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Tirada muslimiinta caalamka ka timid ee ku sugan magaalada barakaysan ee Maka ayaa lagu qiyaasay 2 milyan oo qof si ay u gutaan waajibaadka xajka, waxaana maanta bilaabmay howsha gudashada acmaasha xajka. Xajka sannadkan ayaa imaanaya xilli dowladda Sucuudiga ay isku dayayso inay dhaqan geliso qorshaha isbaddalada ah ee dalkaasi laga hirgelinayo oo ay kamid tahay in haweenka loo ogolaado inay baabuurta kaxeeyaan.
Dowladda sucuudiga ayaa sidoo kale sheegtay inay waxka qabanayso adeegyada loo fulinaya xujayda. Xaaladda Xaramka Soomaali badan ayaa kamid ah muslimiinta sannadkan xajinayso, Xaaji Fu’aad Axmed Warsame oo kamid ah xujayda ayaa BBC-da u sheegay in shirkado badan sannadkan ay xujayda kasoo qaadeen dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, islamarkaasna ay u fududaysay inay la dejiyo meel u dhaw xaramka. Fu’aad warsame wuxuu yidhi “Xujayda ka timid Somaliland iyo Soomaaliya ayaa uga dhaw xaramka dadka kale ee kasoo xajiyay dowladaha deriska marka la yidhaahdo deegaan ahaan, awal way ka fogaan jireen, xujayda qaarkood toos ayaa Madiina looga dejiyay, qaarna kalena waxay kasoo degeen Jidda basas ayaa lagu geeyay magaalada Madina” Xujayda caalamka qaarkood ayaa loo raraya ila Mina maadama qoraxdu ay kulushahay, xujayda oo tiro badan iyo saxmad halkaasi ka jirta. Xaajii Fu’aad warsame ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Sucuudiga ay xujayda ay u diyaarisay adeegyada laga maarmaanka ah oo ay kamid tahay biyaha, caafimaadka iyo gaadidka. Hal milyan iyo badh Muslimiin ah oo Carafo taagan Ammaanka xajka ayaa sii wayn loo adkeeyay iyadoona boolis badan lasoo dhoobay waddooyinka magaalada Maka si ay ammaanka u sugaan. Sida uu sheegaya Fu’aad, xajkan wuxuu xajkii hore kaga duwan yahay in ammaanka oo si wayn loo xoojiyay iyo adeegyada loo fidinaya xujayda oo sare loo qaaday.
Xigasho: BBC Somali Related posts:Hees Cusub oo ay soo wada saareen Labada Fanaan Mursal Muuse & Hodan C/raxmaan dheere Waa Heestii (A... DAAWO;-Warbixin Xaalada Abaareed Ee Deegaano Katirsan Gobolka Gabiley Iyo Qaylo Dhaanta Kasoo Yeedha... Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Biixi Iyo Farmaajo Ugu Baaqay Inay Dib U Bilaabaan Wada Hadal... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|