Muran ka dhashay maalinta laga ciidayo dalka Kenya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muran ka dhashay maalinta laga ciidayo dalka Kenya
August 20, 2018 - Written by Reporter:

Nairobi (WJN) – Muran iyo dood ku saabsan maalinta ciidda ayaa ka dhashay Kenya kaddib markii Sheekha guud ee dalkaasi uu ka hor yimid in la ciido maalinka Salaasada ee berito.

Sheikh Axmed Muxaadir oo ah sheekha guud ee Kenya ayaa dhaleeceeyay in Talaadada ay tahay maalin fasax qaran ah oo loo dabaaldegaya ciidduul Adxa kaddib markii dowladda Kenya ay u dhawaaqday arrintaasi.

Hadalka Sheekha waxaa si wayn uga soo horjeestay mas’uuliyiin uu kamid yahay, hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale oo BBC-da la hadlayay ayaa sheegay inay nasiib darro tahay in Sheekhu waddanka uu khilaafo musliimiinta islamarkaasna berito ay tahay maalin ciid ah guud ahaan dunida.

Ducaale wuxuu yidhi ” Nasiib darro ayay noqotay in Sheekha waddanka Kenya uu khilaafo madaxda muslimiinta, uuna ka horyimaado cidda beri,oo uu yidhaahdo maalinta Ciidda waxaa weeye Arbacada, oo uu yidhaahdo maalinta la soomayana ay tahay Salaasada marka waxaan u aragnaa in arrintaasi, arrin khalad ah, xagga diinta, khalad ah xagga waddanka oo madaxda muslimiinta uu ka hor imaadsan yahay, madaxweynahana waan u sheegnay inuu khalddan yahay ”

Dhanka kale, madaxa aqlabiyadda baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in dacwad ay kaga soo horjeedaan Sheekha guud ee Kenya ay u gudbin doonaan guddiga shaqaalaynta garsooyaraasha Kenya si ay tallaabo uga qaadaan Sheikh Axmed Muxaadir oo ka hor yimid maalinka ay ku beegantahay ciidda.

Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya ayaa sidoo kale sheegay in marar badan uu Sheekhu ka hor yimid maalmaha la ciidaya.

Waxaanu yidhi. ” markii ugu horreysay ma aha inuu ka hor yimaado, muslimiinta waddankan go’aankiisa way ka hor imaadsan yihiin, waxayna u arkaan nin rabo inuu muslimiinta kala qaybiyo…..Annaga haddii aanu nahay madaxda muslimiinta waddankan,dowladana aan ku jirno , ma ogolanaayno in laga la qaybiyo muslimiinta waddankan, waxaan rabnaa muslimiinta dalkan inay midoobaan”.

COMMENTS
LINKS