Mid ka mid ah dadyowga nasiibka u helay in ay ku kor noolaadan dal leh qaniimada khayraad nimco oo dabiici ah. W/Q: Mohamed Hagi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mid ka mid ah dadyowga nasiibka u helay in ay ku kor noolaadan dal leh qaniimada khayraad nimco oo dabiici ah. W/Q: Mohamed Hagi
August 22, 2018 - Written by Reporter:

Dawladda Muqdisho waxa ay adduunyada u diiwaan-gashan tahay tan ugu saaqidsan nidaamka maamul, ugu eexda badan, ugu qaraabo kiilka xun, ugu caddaalad liidata, ugu dhul-jiifaynta roon, ugu dawarsiga weyn ee ugu isha daran dhanka amniga iyo ismaamulka dawladnimo marka ay noqoto.

Erayada kor ku xusan hal eray kuma lihi. Dhamaantood waxa loo adeegsaday qoraallada la ga sameeyo Soomaaliya tan iyo wixii ka danbeeyey horraantii sideetamaadkii ilaa iyo intii ay burbursaneyd ee tan iyo sagaashamaadkii.

Qoraallada iyo faallooyinka la ga sameeyey Soomaaliya waa qaar kor u dhaafay 2,500 wakhtigan oo aaney ku jirin hal wanaag oo la mahadiyo.

Si aad u ogaata ammuurta tan fadlan baadh waxa la ga qorayey amma la ga yidhi Soomaaliya 36 sano ee ugu danbeeyey (1982 – 2018 Published Scholarship). Meesha sidaas ah waxa uu caqliga iyo garashada fiicani kuu sheegayaa in uu halkii ilbidhiqsiba musuq iyo iska dabo-wareeg yahay ina daan weyne.

Sidee ayey suuro- gal u tahay in ummad maan iyo mood dunsan iyo dawlad aan ku keliyeysan karin amni ka dhigista hal km oo dhul ahi ugu guuleysan kartaa dhismaha nabad ballaadhan oo dalka ka hanaqaadda, midnimo qaran oo ka suuro-gali karta dhulka ay sheegato ee 637,657 km², caddaalad iyo musuq la dagaallan? Saw ma aha uun riyo iyo lugaha ha la ishaysto?

Iska daa’ in ay kelideed ku guuleysato e, xataa in Xamar oo keliya nabad la ga dhigo waxa ku guul-darreystay dalalka Soomaaliya taageera, oo ah kuwa adduunka ugu tunka weyn. Tan iyo 1992 adduunyadu waxa ay gurmad ugu jirtay xasilinta Soomaaliya la gu se guul-darreysay!

Lacagta nabadda iyo gargaarka Soomaaliya ku baxday tan iyo wakhtigaa waxa la sheegaa in ay dhan tahay $1.3 bilyan sannadkiiba. Waxa kale oo xaaladaha gargaar aadaminimo la gu baxshaa adduun dhan $1.5 bilyan, halka ay ka hesho xawilaad lacageed oo dadkeeda ah oo dhan sannadkii $1.4 bilyan.

Taa cakiskeeda Somaliland iyana adduunyadu tan iyo 1991 waxa ay ka sameysay qoraallo badan. Ha noqoto sirdoonka waddamada waaweyn ee dunida, kuwa dalalka jaarka, jaamacadaha, hay’aadka caalamiga amma askhaas aqoonyahan madaxbannaan oo shisheeye ah.

Xogta ka taal Somaliland adduunka ee la ga tixraaci karo marka loo baahdo in la daraasadeeyo waxa la ga sawiran karaa in ay Somaliland tahay; dad isku tashaday, nabad dhistay, dawlad sameystay, dhaqaale ka weyn kuwa Malawi, Congo & Burundi sameeyey, budhcadbadeed ka nabad-galay oo nolosho dawladnimo ku dimuqraadiyad guuleystay iyada oo aan cidna ka taageerin (self-made nation).

Somaliland waa meel xorriyaadka hadalka iyo cabbirka rayigu si toolmoon u ga tisqaaday marka loo eego dhammaan dalalka ay qaaradda Afrika kula taal ee 54 waddan ah. Waxase nasiib-darro ah in dad dhallinyaro aan waxba badan akhriyini oo reer Somaliland ahi Soomaaliyada kore ee waxaa soo caqabado ah la ga qoray ay u haystaan meel xasilan iyaba waa indho sarcaad eh.

Meesha sidaa u kadeedan ee teedii u taag la’ qaar Somaliland jooga ayaaba siyaabo badan ugu beer nugul oo habab qiiro oo kala duwan ugu ooya ku darsashadeeda! Sidee ayey dawladnimo u wadaagi karaan ummad maan duntay oo colaadi halligtay in ka badan 28 sano oo joogto ah iyo kuwa nabad ay sameysteen ku tannaaday 27 sano? Ciid wanaagsan.

 

Mohamed Hagi Mohamoud

COMMENTS
LINKS