Maxkamadii Ka Gar Qaadaysay Dacwadii U Dhaxaysay Djibouti Iyo DP World Oo Go’aan Ka Soo Saartay Iyo Maareeyaha Dekedaha Dalka Jabuuti Oo Ku Gacan Saydhay, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxkamadii Ka Gar Qaadaysay Dacwadii U Dhaxaysay Djibouti Iyo DP World Oo Go’aan Ka Soo Saartay Iyo Maareeyaha Dekedaha Dalka Jabuuti Oo Ku Gacan Saydhay,
August 2, 2018 - Written by Editor:

“Maxkamada Maanu Hor Tagin, Waanu Diidnay Waanan Qaadacnay, Mana Tagayno, Go’aanka Maxkamadana Ma fulinayno Waxna Nagama Khuseeyaan”Maareeyaha Dekedada Jabuuti.

Djibouti(W,N):-Maxkamada dhex dhexaadinta caalamiga ah ee magalaada London ayaa go’aan ka soo saartay dacwadii u dhaxaysay dawlada Djibouti iyo shirkada DP World.

dp world iyo jabuuti

Maxkamada ayaa go’aamisay inuu wali sharci yahay heshiiskii u dhaxeeyey dawlada Djibouti iyo shirkada DP World, kaas oo ay lix bilood ka hor ka baxday xukuumada madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

abuubakar

Maamulaha dekedaha Djibouti Abubakar Cumar Xadi oo la hadlay VOA ayaa soo bandhigay aragtida ay dawlada Djibouti ka qabto go’aanka maxkamadu soo saartay, waxaanu yidhi “Mawqifkayagu wuu cad yahay waayo waxaanu nidhi kuma kalsoonin in maxkamadaasi ay dacwadaas qaaday sababtuna waxa weeyaan cida dacwada nagu dhigtay waa shirkada Dooraale Container Terminal oo ay saamiga ugu Badan ay leedahay dawlada Djibouti, markaa shirkad aad saamiga ugu badan leedahay sida ay kuu ashkatayn karto waa wax aanu la yaabnay, haddii ay Dp World haddii ay ashkatanayso shirkada dhigeeda ah ee DCT waa gooni, dhabada ay qaadeen waxaanu u aragnaa mid khaldan, shirkadan DCT waxa heshiiskii ka jabiyey baarlamaanka Djibouti, maxkamadana shaqadeedu waxa weeyaan inay kala gurto laba shirkadood oo isku haya heshiis ay wada galeen, anaguna waxaanu leenahay heshiiskaasi maba jiraba oo anaga iyo DP World dibada ayaa naloo tuuray, dawladuna way baabiisay DCT, markaa wax naga khuseeya go’aankaas  ka soo baxay maxkamadaas London ma jiro.”

Maamule Abubakar Cumar Xadi ayaa eedaymo u jeediyey maxkamada waxaanu yidhi raaciyey “Waxa la yaab leh markii aanu anagu dacwada ku dhignay DP World waxay ku qaadatay sadex sanadood inay go’aan gaadho imikana waxay ku qaadatay mudo shan bilood ah, markaa waxaanu odhan karnaa go’aankaasi waa mid dhinac u janjeedha”

“kama jabaanayno Maxkamadana maanu hor tagin, waanu diidnay waanan qaadacnay, mana tagayno, go’aanka maxkamadana ma fulinayno waxna nagama khuseeyaan”Ayuu yidhi Mareeyaha Dekedaha jabuuti.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS