Maxay Dalalka Adduunku ugu Loolamayaan Marinka Baabul Mandeb? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxay Dalalka Adduunku ugu Loolamayaan Marinka Baabul Mandeb?
August 22, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)– Waxaa aad isu soo taraya loolanka quwadaha adduunka ee ku aaddan marinka muhiimka ah ee Baabul Mandeb ee Badda Cas, waxaana la sheegayaa in loolankaas uu xasarado ka abuuri karo gobolka Geeska Afrika oo dhan.

Muhiimad intee la’eg ayuu leeyahay Baabul Mandeb?

Prof Xuseen Warsame oo ah bare wax ka dhiga jaamacad ku taala dalka London, wuxuu ka hadley muhiimadda uu leeyahay marinkan, wuxuuna yidhi “Waa muhiim meeshaas, waxayna muhiim u tahay ganacsiga adduunka, meesha waxaa mara maraakiib aad iyo aad u badan, sanadkii ina dhaafay waxaa lagu qiyaasay 17 kun oo markab in ay mareen, taas oo micnaheedu tahay in ay sidaan xoolo dhan 700 oo bilyan oo doolar, una dhiganta boqolkiiba 20% ganacsiga adduunka oo dhan, sidaas darteed waa wax aad u weyn in lagu dagaalamo, cidkastana xoolaheediibay illaashanaysaa”.

Inkasta oo dalalka ku loolamaya ay yihiin kuwa xitaa aanan juquraafi ahaan ka ag dhaweyn marinkan, haddana dalka Soomaaliya ayaa la sheegay in aanu ka faa’iideysanin macaashka badan ee laga helo marinkan, taas badalkeeduna uu ka helo xasarado.

Prof Xuseen wuxuu leeyahay “Masar sanadkii waxa ay marinka Suweys ka heshaa illaa 5 bilyan oo doolar, Soomaaliya kama faa’iideysato marinkan, waxayna kaliya u keentaa xasarad”.

Xalka waxa uu u arkaa “Haddii Soomaalida kala qoqoban isu timaado, oo ay bilaabaan in ay qorshe samaystaan, waxay noqon karaan meesha Bariga Afrika ugu dhaqaalaha badan 20 sano ee soo socda”.

Waa meel ceynkee ah Baabul Mandeb?

Sida magacaba laga fahmi karo, kalmaddu waa afka Carabiga, micnaheeduba waxa ay tahay ‘Albaabkii Illinta’. Lama oga sababta loogu bixiyay, laakiin qorayaasha Carabta qaarkood waxaa laga soo xigtay in loogu bixiyay dadkii badnaa ee sahmiyeyaasha ahaa ee ku dhintay marinkan iyaga oo aqoon u lahayd.

Waa marin aad u yar oo kala qeybiya badweynta Hindiya iyo Badda Cas, waxa labada dhinac ka kulaala dalalka Jabuuti, Yemen iyo Eritrea, halka Soomaaliya ay kaabiga ku heysto oo markab aan badda Soomaaliya marin uusanba gaadhi karin marinkan, kana soo gudbi karin isaga oon marka dambe marin baddan Soomaaliya.

Marinka Baabul Mandeb waxa uu u kala qeybsamaa labo qeyb oo kala ah Bari iyo Galbeed, waxaana kala qeybisa jasiirad yar oo lagu magacaabo Perim.

Qeybta Galbeed ee soo xigta dhanka Jabuuti ayaa ugu weyn oo dhan 25km oo balac ah, iyo 310 mitir oo gunta ah, halka dhinaca Yemen xigta oo kaliya ay tahay 2mile oo balac ah.

Loolanka dalalka adduunka

Dalka Jabuuti waxaa saldhigyo ciidan ku leh dalal kala duwan oo ka mid ah kuwa ugu quwadaha waaweyn adduunka, waxaana ka mid ah Maraykanka, Faransiiska, Shiinaha iyo kuwa kale.

Magaalada Berbera waxaa iyadana saldhig ciidan ka dhisanaysa dowladda Imaaraatka Carabta.

Inkasta oo sharaxaadda rasmiga ah ee dowladahan ay ku sheegaan sababta ay saldhigyada u furteen ay tahay la dagaalanka waxa loogu yeedho argagixisada iyo budhcad badeeda, haddana Prof Xuseen waxa uu qabaa in dal kasta uu illaashanayo danahiisa ganacsiga.

Dekedaha ay Imaaraatka ka samaynayaan xeebaha Soomaaliya ayuu sidoo kale qabaa in ay tahay tallaabo qeyb ka ah loolanka jira.

Haddaba waxaa la isweeydiiyaa sidee Soomaalida uga faa’iideysan kartaa Ishan dhaqaale ee albaabkooda maraysa, ugana nabad gali karaan dhibaatada ka dhalan karta?

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 

Wariye: Xamse Jirde

Wajaalenews.net

Hargeysa Office

COMMENTS
LINKS