|
|||||
WAJAALE NEWS
Maxamed Biixi Yoonis oo Si Qoto Dheer Uga Hadley Shaqsiyadii Koffi Annan
August 18, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN) – Maxamed Biixi Yoonis ayaa waxa uu ka hadley geerida Koffi Annan oo ay mudo dheer soo wada shaqeeyeen, Islamarkaana ay si khaas ah saaxiib u ahaayeen. Maxamed Biixi Yoonis oo u waramay Laanta Af-soomaaliga ee BBC-da ayaa waxa uu ku tilmaamay Kofi Annan inuu ahaa halyey Afrikaan ah oo u soo halgamay nabadaynta caalamka, aadna ugu dhowaa dadka oo ahaa nin Afrikan ah oo aad u wanaagsan. “Koffi Annan waxa uu ahaa nin ad iyo aad qiimo u leh, nin halyeey Africa ah ayuu ahaa, nin hawlaha caalamka iyo nabadeynteeda u soo halgamay ayuu ahaa, nin aad ugu dhow dadkeena ayuu ahaa, Khaasatan nin Afrikaana oo aad u wanaagsan ayuu ahaa, Markaa maanta waxaan u arkaa in uu ka baxay nin wayn oo qiimo lihi dunida, 40 sanno in ku dhow ayuu u shaqeeyay United Nation-ka, wuxuu kaloo u shaqeeyay Hay”addo badan oo ay ka mid tahay UNHCR, nin caalamka taariikh la yaqaano ku lahaa ayuu ahaa, waxaan qabaa caalamka in uu ka baxay nin wayn oo qiimo leh oo afrika iyo hawlaheeda aad u aamin sanaa, waxaana uu lahaa xarun ka shaqaysa nabadaynta caalamka, Markaa waxaan qabaa in Koffi Annan uu ahaa nin aad iyo aad u wanaagsan oo muxtarima oo qiimo leh, qadarina u haya bini aadamka oo dhan. Maxamed Biixi Yoonis waxaa uu sidoo kale ka hadley go,aanadii uu Koffi Annan ka qaatay dagaaladii ugu adkaa ee dinida soo maray iyo marxaladihii adkaa ee uu soo maray. ”Marxalado farabadan ayuu soo maray, go,aano adag ayaa soo maray oo uu diidanaa qaar kood, Khaasatan dawladaha reer galbeedka ee uu Mareykanku dabada kawaday, Waxaan u arkaa inuu ahaa nin hal adag, nin aad isugu kalsoon, nin sannadihii ugu dambeeyey uu Maraykanku cadaadis badan saaray, gaar ahaan Holbrooke, safiirkii Maraykanka u fadhiyey Qaramada Midoobay, laakinse wuxuu aad ugu adkaa in wax walba nabad lagu xalliyo”.
WARIYE: XAMSE JIRDE WAJAALENEWS.NET HARGEYSA OFFICE Related posts:DAAWO;-Al Xaaji Rashiid Jaamac Dhari Oo Ka Hadlay Sida Boqortooyada Sucuudigu Udanaynayso Somaliland... Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada iyo Agaasimaha Guud oo si wada jira u dhagax dhigay waddo laami ah oo m... Musuq-maasuq Xakamaha Goostay Ee Ka Jira Kastamka Kalabaydh Oo Sabobay In Laba Maalmood Oo Isku Xig... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|