Maxaa loo haystaa Cabdi Maxamuud Cumar? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaa loo haystaa Cabdi Maxamuud Cumar?
August 27, 2018 - Written by Reporter:

Jigjiga (WJN)- Guri uu ka deganaa magaalada Addis Ababa meel u dhow Hotel Atlas ayay ciidamada federaalka ka kaxeeyeen Cabdi Maxamuud Cumar, madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka, kaas oo muddo bilk u dhow ku jiray xabsi guri.

Dacwadaha loo heysto

Sida ay faafisay wakaalada wararka ee Itoobiya ee FANA, xeer illaaliyaha guud ee Itoobiya ayaa sheegay in loo haysto dacwado la xidhiidha gabood falo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo ku tagri fal awoodeed.

Lama oga caddeymaha xeer illaalinta ay maxkamadda horkeeni doonto, iyo goorta maxkamadda la hor geyn doono.

Hase yeeshee Ra’isal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in arrinka Cabdi Maxamuud Cumar uu mari doono dariiqa saxda ah ee garsoorka, helina doono maxkamadayn caddaalad ah.

Hase yeeshee wuxuu Cabdi noqonayaa qofkii ugu sareeyay oo lasoo xidho, maxkamadna lasoo taago marka laga hadlayo dadka kala duwan ee guud ahaan Itoobiya lagu eedeynayo xad gudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha.

Dr Abiy oo sidoo kale ka hadlay xisbiga TPLF ee gobolka Rigrinya ayaa yidhi “TPLF oo kaliya ma aha dadka isbadalka kasoo horjeeda, ee dhammaan xisbiyada ku jira isbahaysiga tallada haya dad ka mid ah ayaa kasoo horjeeda isbadalka, waxna waan ka qaban doonaa” ayuu yidhi Abiy oo u muuqda in markii ugu horeysay uu si toos ah uga hadlayo arrimo aanan shaaca usoo bixin wixii hadda ka horeeyay.

Cabdi oo kaliya ma aha dadka caddaalada lala tiigsanayo, ee sidoo kale warbaahinta Itoobiya waxa ay sheegaysaa in sidoo kale ay booliiska soo xidhayaan dad kale oo Cabdi ku xidhnaa, kana mid ahaa xukuumadiisa.

Shalay ayay ahayd markii baarlamaanka dowlad deegaanka uu xasaanaddii ka xayuubiyay Cabdi Maxamuud Cumar iyo dhawr kale oo shaqsiyaad ah oo loo heysto dambiyo kala duwan.

Dad kala duwan ayaa sheegay in dhibaatooyin jidhdil ah ay kula kulmeen dhulka Soomaalida, gaar ahaan xabsi ku yaala magaalada Jig Jiga.

Waxaa sidoo kale warbixin taas la mid ah soo saaray hay’addaha xuquuqda aadanaha oo iyagu ku baaqay in caddaalada la horkeeno dadkii ka dambeeyay xadgudubyada.

Hub laga heley gurigiisa?

Sida uu soo bandhigay taleefishinka Itoobiya ee ETV, waxaa guriga laga heley hub tiro badan oo ka koobnaa qoryaha AK47, kuwaas oo ka badnaa 5 qori iyo rasaastooda, iyo waliba baastoolado, wuxuuna TVGa sheegay in Cabdi Maxamuud Cumar uu haystay.

Balse lama soo muujin ciidankii qoryahaas haystay, gurigana waxa kaliya kasoo baxay Cabdi Maxamuud Cumar oo kaliya.

Arrinta hubka ayaa la sheegay in galka dacwadda ay ka mid tahay, lamase oga sida uu Cabdi ku heley hubka haddiiba muddo bil ah uu xabsi guri ku jiray.

Waxaase la fahamsanyahay in Cabdi uu u talinayay ciidamo kumanaan ah oo lagu magacaabo Liyuu Booliis, kuwaas oo weli aan taliyeyaashoodii la arag, lana ogayn xaalkooda meel u ku dambeyn doono.

 

Xigasho: BBC Somali

COMMENTS
LINKS