|
|||||
WAJAALE NEWS
Maqaalka Maanta; Aniga Iyo Dilaalkii Siyaasadda!Prof Cabdi Cali.
August 17, 2018 - Written by Editor:“Anigu Cid Baan Doortay; Oo Xoog Iyo Xoolo Galiyay Iyo Waliba Maskax & Waqti farabadan Oo Ay Dheer Tahay Naf-hurnimo Oo la wada ogaa; Way Guulaysatay Ciddii; Waxan Filayay”…prof Cabdi Cali Waa Iraab, Ma Aha Kiniin; aniguna Ma Gacan kululi!!!!!!! Aniga iyo Dilaalkii Siyaasadda!!!!!! Wuxu igu yidhi dillaalkii siyaasaddu: maad iska yara joojisid qoraalada iyo hadalka, dib ayaa laguu magacaabi lahaa; waxan ku idhi: anigu qoraaladan waxan u samaynayaa ujeeddo kaliya, laakiin faa’iido labaadna way yeelatay iyo mid saddexaadba; ujeeddadaasi waxay tahay: anigu cid baan doortay; oo xoog iyo xoolo galiyay iyo waliba maskax iyo waqti farabadan oo ay dheer tahay waliba naf-hurnimo la wada ogaa; way guulaysatay ciddii; waxan filayay in lala tashado aniga iyo rag kale oo aqoonyahan oo wax nala waydiiyo. Balaayo afka lagama dhawree, intaanan xilka is ka casilin horteed-ba waa la naga fogeeyay meelaha taladu ka dhaw-dahay; waxanan fahmay in aan naloo baahnayn, sababtu waxay doonto ha noqotee; they did let us feel we were so naive; saw ma aha?, kkkkkkkkk, does not matter; certainly, either they or us are stupids!!!! xal baan helay; xalkaasi waa in aan hawada mariyo talada oo aanay aniga igu baaqan; way i dilaysaa hadday i dhaafi waydo; Ilaahay iyo dadkiisuna way iga gar helayaan markaas; ileyn aniga xilku iguma mudnayne ee talo bixinta ayaa igu wayneyde; I got the solution?; in aan Media-ha mariyo talada oo Baraha Bulshadu ka mid tahay ;bal ka warran kan ku leh xalkii joojii!!!; kala war la’aa!!!; yaa u kala warrama!!!; halkaa markay marayso ma inoogu yara raaxeeyaa hees waddaniya oo qiiro leh oo fannaan ciraaqiya oo cod macaan ku luuqaynayo, waxay odhanaysaa: Qaata dhammaan xilalka, Qaata dhammaan lacagta; fadlan waddanka uun iiga taga!!! Yaa haya Clip-kaa, fadlan noo soo dir: Khuduu al-karraasi, Khuduu al-makaasib; Khalluu lii al-wadan. Haddii ay suuragali wayday tii, anigu taladaydii joojin maayee, hawadaan u marinayaa iyadoo tafatiran, ayaan ku idhi ninkii, xad-gubina maayo oo waxan helayaa wax badan oo aan si cilmiya uga hadlo; nin-ka wax caaya, ama qabiil isticmaalaa waa nin aan itaal kale meesha ku hayn; aniga dadka igu xidhan ma yara, oo dhalinta waddanka ku nool in badan baaban macallin u ahaa; asxaabtayduna ciiddaas bay ka badan yihiin; maxaan uga baahanay in aan isticmaalo af-lagaado iyo kicinta reer ama jilib qabiil, IWM; waliba waxan ballan qaadayaa in aan hambalyeeyo wixii ay saxdo xukuumaddu, sidii maalinti dhawayd ee Haamaha shidaalka; waxan ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee bilaabay hambalyaynta; maan ahayn, runtii, kuwii raaciyay!!! Mar haddaan helay taladii meel aan mariyo; thanks to Media including social media; xalkii miyaanan helin; ileyn awalba xil-ku iguma mudnayne; laakiin waa yara xanuun oo immika talada aan bixinayo iraab ahaan ayaan u siinayaa; dee ha iska yara adkaystaan; waa dawee; ileyn iyagaa diiday in aan kiniin uga dhigo ama sharoobo; dee ma anigaa suudaanta keenay; sidaas baan if iyo aakhiroba ku eed baxayaa; qofkii yidhaa ciddaad noo keentay ayaa sidaa iyo sidaa samaysay, waxa igu filan sawnigii ka hadlay; aakhiro haddii la i waydiiyo oo la yidhaa adigaa dadka u keenay-na waxan filayaa in jawaabtan lafteedu i anfacayso; wallahu aclam. Wuxu igu yidhi dillaalkii, isagoo ka sii laacaya intii ugu danbsay ee koobkii Coffe-ga ahaa; immika inaad cadhoonayso ayaa lagu moodayaa, haddaad joojin waydo; Cadhadu la xumaa; haddii aad jihayso cadhadu waa dareen bani’am(human emotion) oo waxtar leh oo keeni kara hal abuur la yaab leh; haa, baan ku idhi, ma dafirsani in aan cadhooday oo waaba ta aan isu casilay ee aniga cadho indho li’i ima hasyo ee waxa i haysa cadho jihaysan oo wax soo saar ku jihaysan iyo in ay dadkeeda wax u iftiimiso doonaysa; waana dareenka (emotion-ka) aan kaashanayo; anigaa u baahan dareenkaas; markasta ay noloshayda wax iga cadhaysiiyaana waxan doonayaa in ay dhaliso wax-soo saar, hal-abuur ay ka faa’iidaan aniga iyo dadkuba; miyaanad ogeyn in qofku irmaanaado ama godlado marka wax ku dhacaan ee uu wax tabayo ama calafku qadiyo; sida suugaan-yahanku u gabyo ama u heeso marka jacayl ama arrin kaloo wayni la soo gudboonaado; waxan oo xikmad iyo murti ah ee ka buuxa heesaheena Qaraamiga ah ee aynu jecellahay; miyaynu heli lahayn waxaas oo heeso ah haddii labadii is jeclaataba calafku la shaqeeyo oo isu hooyo; sidaasoo kale ayuu qofka aqoonta lagu tuhmayaana bilaabaa inuu soo saaro maqaalo, qoraalo iyo xataa mararka qaarkood maanso sida gabaygii Doqon Dila ee Jamaal Cali Xuseen; haddii aan maanta aamuso, berri marka siyaasaddu noqoto sidaan rabay, dee idin ma siin karayo waxan immika idin siin karo; markaa ha yaabin haddaad aragto maalin kasta anigoo maqaal ama faallo soo qoraya; In fact, I am giving; I am not angry or cross or have resentment to someone; Please change your attitude towards. Way badan yihiin, waanay kala duwan yihiin, xaaladaha iyo waqtiyada aad qof baran karto kuu yahay iyo ka aanu ahayn ee uu iska dhig-dhigayo. Waxa ka mid ah waqtiyada la barto qofka marka arrimuhu noqon waayaan siduu rabay. Siyaasiyiinta haw bataane, saw maad arag dadka qaar, mar alla markay siyaasadda isku qabtaan cidda xilka haysa markiiba bilaaba in ay madaxda caayaan ama aflagaadeeyaan ama wax jira iyo waxaan jirinba ku sheegaan, iyagoo ka hadlaya Mediaha; qaar waxay dabada galiyaan reerkooda ama jilibkooda; qaar-baa xataa isku daya in ay rabshado sameeyaan, si ay nabadgalyada wax u yeelaan; intaba waynu soo aragnay. kuwaasi inta badan waa kuwa markay xilka hayaana aad yaabayso ammaanta iyo ducada ka dhacaysa!!!!! Marka miyaanay fursad ahayn laygu barto; qofku ha eego waxan soo qoro, waxan ku hadlo; inta aan caddaaladda u jiro xataa markaan ka hadlayo cidda aan saluugsanahay; inta akhlaaqdaydu gaadhsiisan tahay; ma sida dadka qaar ayaan cay iyo aflagaado miciinsadaa, ma sida dadka qaar baan qabiil iyo reernimo dabada geliyaa;ma sida dadka qaar baan nabadgalyada khalkal galiyaa; mise waxan maray dariiq aynu dhamaanteen ka faa’iidaysan karno; xataa xukuumaddu way ka faa’iidaysan kartaa talooyinkaa aynu qoraalada ku soo gudbino, haddii ay il caqli ah ku eegto ama cilmi ah, ea aanay ku fiirin il siyaasadaysan ama il doqoniimo ficil taqaana. Waxan ugu baaqi lahaa kuwa qabiilka, cayda iyo naca abuura marka siyaasaddu noqon waydo siday rabaan; ama ha lagu eryo ama is-casil ama ha lagu magacaabi waayo; fadlan soo mar dariiqan aan idiin baalaleeyey ee lala talinayo xukuumadda, iyadoo dhaliishana la sheegayo; ama TV ka hadal, ama maqaal qor; fadlan joojiya yooyootanka oo bilaaba ka hadalka dhaliilaha iyo horumarka waddanka, idinkoon abuurin nacayb iyo cunfi. Waxan hubaa; intaynu TV-yada isaga jawaabaynay, haddaynu sidan yeeli lahayn, maanta waddanku indho kale ayuu yeelan lahaa; Somalidu waxay ku maahmaadaa marku qofku waasho; nin waliba camalkiisuu, xanuusadaa; anigu waxan ku dari lahaa, nin waliba camalkiisu, caaridaa; haddaad qabyaaliste ahayd , reerkii uun baad kicin; haddii aad rabshoole ahayd waxaad ku fikiri in aad khakhaliso nabadgalayda; haddaad wax-ma-garato ahayd, wuxuun baad caayi; ileyn mawduuc aad ka hadli kartaa ma jiree. Qalinkii Prof Cabdi Cali Jaamac, U dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada iyo maamul wanaagga. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|