Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay
August 30, 2018 - Written by Reporter:

Muqdisho (WJN)– Waxaa magaalada Muqdisho soo gaadhay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

Xassan Sheekh waxaa siweyn ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde xubno ka tirsan labada Gole ee dowladda, xubno hore uga tirsanaa dowladda uu madaxweynaha ka ahaa iyo siyaasiyiin ay saaxiibo dhaw ku ahaayeen dhinaca shaqada.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay guddi-gaar ah u soo saartay soo dhaweyn-ta madaxweynihii hore, kuwaa oo ka mid ahaa xubnihii garoonka kaga hortagay.

Xassan Sheekh Maxamuud isaga oo ka hadlayay soo dhaweyn tiisa ayuu sheegay in uu u yimid sidii uu u dhageysan lahaa afkaarta kala duwan ee shacabka Soomaaliya, soona mari doono dalka intiisa badan.

Lama oga ujeedada socdaalkiis, hasse ahaatee warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in uu u yimid yagleelida xisbi siyaasadeed ka mid noqonaya asxaabta u tartami doonta doorashada sanadka 2020ka la filayo in ay dalka ka dhacdo.

Sidoo kale socdaalkiisa Muqdisho ayaa imanaya xili maalintii shalay uu dalka ka dhoofay madaxweynaha imika tallada haya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo China shir kaga qeybgalaya.

 

COMMENTS
LINKS