“Madaxweyne Nin Kasta oo Kula Taliya Ee Ku Yidhaa Gacan Bira Waxkaga Qabo Jabhada Caarre Waxba Kuuma Sheegin”. Mustafe Shiine | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Madaxweyne Nin Kasta oo Kula Taliya Ee Ku Yidhaa Gacan Bira Waxkaga Qabo Jabhada Caarre Waxba Kuuma Sheegin”. Mustafe Shiine
August 30, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Guddoomiyhii hore ee gobolada Awdal, Gabiley, Sool iyo maroodi jeex, Mustafe Cabdi Ciise “Mustafe Shiine” ayaa waxa uu si dag uga hadley tabashada uu tirsanayo Taliye Caare, waxaana uu Madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay in uu si deg deg ah wax uga qabto arrinta Caarre.

Siyaasi Mustafe Shiine oo arintaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi.“4ta sano iyo dheeraadka Muuse Biixi uga hadhsan muddo xileedkiisa waxa igala qiimo badan qaranka Jamhuuriyada Somaliland oo sii taagnaada wiil ka wiilkii, xitaa haddii uu madaxweynuhu noqdo midaan waxba bedelin ama soo kordhin, hadduu doonana ahaado dayax reerkiisa u soo baxay, marnaba qaadan kari mayno furfur ku yimaada ciidanka qarankani lee yahay,inkastoo aanan uba cabsi qabin, haddana maaha wax I farxad gelin kara dhaawaca sumcadeed iyo is aaminid ee ay ciidanku wajahayaan.

Reer Tolkey waxaan u soo jeedin lahaa inaan intaa ayna inala dhaafin oo arrintan aynu xakamayno.

Madaxweynaha talada hayana waxaan lee yahay in kursiga la helaa waxa ka qiimo badan inaad sharaf kaga tagtaa oo haddii aad sii noolaatana laguu mahadnaqaa, haddaad dhimatana laguu wada duceeyaa, sharafka iyo magaca aad ummaddaada kaga tegaysaa ka wanaagsan waxaad kasbanayso ee kale.

Arrintan ciidanka iyo tabashada jirtaaba waa in aad xal degdeg ah ku dhamaysaa, nin kasta oo kula taliya ee ku yidhaah gacan bira wax kaga qabo jabhada Caare waxba kuuma sheegin, habeena ma jirin, maanta waa Jabhada Caare ee yaanay beri magac intaa ka balaadhan inagu yeelan u gacan dhibirsanow dadkaaga, ka kaa horyimaadana ku ilaali inaanu inta aynu isla ogolahay dhaafin oo u gacan haadi, Caarena fagaaraha ka cadee inuu askarigaagii yahay oo aan wax denbi ciqaabeed ah loo haysan, hadda dhaafba xiligii cafis lagaaga baryi lahaa, xiligii isaga amniga laga baryi lahaa ayay timidbee”.

 

WARIYE: XAMSE JIRDE

WAJAALENEWS.NET

HARGEYSA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS