Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafti Uu Hogaaminayo oo Gaadhay Dalka Jabuuti | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafti Uu Hogaaminayo oo Gaadhay Dalka Jabuuti
August 16, 2018 - Written by Reporter:

Djibouti (WJN)- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa gaadhay magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyadda dalka Jabuuti.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo waftiga uu horkacayo oo saaka ka anbabaxay magaalada Muqdisho ayaa lagu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Jabuuti.

Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Jabuuti ayaa salka ku haya xoojinta xidhiidhka labada dal, iyo arrinta xiisada diblomaasiyadeed ee ka dhalatay safarkii uu ku tagay Eritrea.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmaya dhiggiisa Jabuuti, iyagoo ka wada hadlaya arrinta gobolka Geeska Afrika iyo is bedelada u dambeeyay ee ka dhacay.

Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay dadaal u gali doonto sidii loo soo afjari lahaa khilaafka dowladdaha Jabuuti iyo Ertirea, waxaana socdaalka madaxweyne Farmaajo uu imanaya iyadoo dhawaan magaalada Muqdisho ay soo gaadheen wafti ka socday dalka Eritrea.

Jabuuti ayaa dhowaan walaac ka muujisay hadal Madaxweyne Farmaajo ka jeediyay Asmara oo ahaa in cunaqabateynta laga qaado Eritrea.

COMMENTS
LINKS