|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Somaliland Oo Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabiley Aabaha Dhalay Saddexdii Wiil Ee Lagu Dilay Ceeryaan,
August 26, 2018 - Written by Editor:Hargeysa(W,N) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley oday Jaamac Maxamuud Ismaaciil oo ah aabihii dhibaatadu ka soo gaadhay dagaalkii ka dhacay Ceeryaan ee gobolka Sanaag, halkaa soo uu ku waayey saddex wiil oo uu laba ka mida dhalay midka kalena uu walaalkii dhalay. Kulankaasi oo ahaa mid madaxweynuhu uu ugu horayn ka tacsiyadeeyey geerida saddexda wiil oday Jaamac Maxamuud Ismaaciil, sidoo kalena waxa uu u madaxweynuhu ka balan qaaday oday Jaamac in Xukuumadda iyo qaranka Somaliland ay la korinayaan ubadkii ay ka tageen saddexda marxuum, laga bilaabo maantana ay ka xukuumad ahaan kafaalo qaadeen, korinta, barbaarinta iyo waxbarashada ubadkaasi, balse aanu keli ku noqonayn daryeelkooda ee uu niyada u sheego in qaranku barbartaagan yahay marwalba, wixii hadda ka danbeeya. Waxaanu madaxweynuhu oday Jaamac Maxamuud Ismaaciil ku hambalyeeyey go’aankii geesinimada lahaa ee uu qaatay, kuna demiyey colaadii labada beelood ku dhex martay degaanka Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag ee dhawaan la soo afjaray. Xubnaha kulankaasi madaxweynaha ku wehelinaayey waxa ka mid ahaa gudoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Cabdi Dheere, Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo wasiirka Wasaaradda Xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) Wa-bilaahi tawfiiq Related posts:Gudoomiyaha Aqal Sare Ee Somaliya Oo Madaxwayne Farmaajo Ku Eedeeyay In Uu Sharci Jabin Ku Kacay. Wargeys Caalami Ah Oo Sheegay In Somaliland Laga Saaray Hay’ad Qaramada Midoobay Ka Tirsan Oo Diiday... DAAWO;Wasiirka Maaliyada Jsl Oo Xamili Kari Waayay Dhaliishii Sheekh Aadansiiro Ee Dakhliga Dalka Iy... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|