Madaxweynaha Somaliland oo ka qayb-galay Qalin-jebinta Jaamacadda Hargeysa (Sawirro) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Somaliland oo ka qayb-galay Qalin-jebinta Jaamacadda Hargeysa (Sawirro)
August 28, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta ka qayb-galay xafladda qalin-jebinta dufcadii 15aad ee ka baxda Jaamacada Hargeysa, waxaanu madaxweynuhu markii uu gaadhay Jaamacadda Hargeysa uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka mida Ciidamada qaranka Somaliland, ka dibna waxa uu kormeeray qaybo ka mida jaamacada, isagoo dhagax-dhigay dhismaha shaybaadh casriya (laboratory)  oo ay yeelan doonto Jaamacadu kaasoo madaxweynuhu u ballan qaaday jaamacada mar uu kormeer ku tegay 22 May, 2018, sidoo kalena waxa uu xadhiga ka jaray hool weyn oo jaamacadu yeelanayso kana caawin doona shirarka iyo kulamada muhiimka ah.

Waxaanu Madaxweynuhu ku soo laabtay hoolkii ay ka dhacaysay xafladda qalin jebinta Ardaydu, waxaana halkaasi si balaadhan ugu soo dhaweeyey madaxweynaha maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda oo iyagu hormuud ka ahaa farxadda qalin-jebinta ardayda oo ay wehelinayeen waalidiintii ku soo tabcay mudadii ay soo wadeen hayaanka waxbarashada oo ay maanta ka gaadheen guul balaadhan.

Waxaana si toosa loo gudo galay munaasibada qalin-jebinta, waxaana ugu horayn hadlay gudoomiyaha jaamacada Hargeysa, oo hambalyo ka dib ka warbixiyey marxaladihii ay jaamacadu soo martay wakhtiyadii kala duwanaa iyo halka ay ku sugan tahay wakhtigan iyo weliba waxa ay hiigsanayso sanadaha soo socda, sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay masuuliyin ka socday saddexda xisbi qaran, marti sharaf dhawra oo lagu casuumay munaasibada oo badan  koodu ka socday Jaamacadaha ay xidhiidhka tooska ah leeyihiin Jaamacada Hargeysa, wax isna sidoo kale halkaa khudbad ka jeediyey gudoomiyaha Maxkamada sare, iyo wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo sayniska oo madaxweynaha hadalka ku soo dhaweeyey.

Waxaanu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ugu horayn hambalyo u diray Ardayda qalin-jebisay maanta, waalidiintii ku soo tabcay iyo macalimiintii wakhtiga geliyey inay waxbaraan midhaha qarankan Somaliland u soo baxay, waxaanu madaxweynuhu shahaadooyin gudoonsiiyey Ardaydii ugu saraysay dufcadaha kala duwan ee Jaamacada Hargeysa iyo xubin sharaf ay Jaamacada Hargeysa ku qiimaysay dedaal waddannimo oo uu muujiyey askari ka tirsan ciidanka nabadgelyada waddooyinka oo ay maamulka iyo ardayda Jaamacadu u aqoonsadeen muwaadin daacad u ah qarankiisa iyo shaqada uu hayo, markii uu madaxweynuhu shahaado sharaftaa gudoonsiiyey muwaadinka waxa uu goobta ka sheegay madaxweynuhu in uu isna dalacsiiyey hal derejo askarigaasi oo markii hore ahaa saddex xadhigle, madaama oo ay intaas oo qof u markhaati fureen inuu yahay muwaadin muujiyey dedaal iyo daacadnimo ay ku dheehan tahay waddanimo.

 

qalin5 qalin1 qalin2 qalin3 qalin4 qalin5  qalin6 qalin7 qalin8 qalin9 qalin10 qalin11 qalin12 qalin13 qalin14

 

 

COMMENTS
LINKS