Madaxweynaha DDSI Mustafe Muxumed Cumar oo Booqasho Ku Tagay deegaanka Tulli-Guuled | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha DDSI Mustafe Muxumed Cumar oo Booqasho Ku Tagay deegaanka Tulli-Guuled
August 30, 2018 - Written by Reporter:

Jig Jiga (WJN) – Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar ayaa waxa uu booqday deegaanka Tulli-Guuled halkaas oo Maalin ka hor Qowmiyada Oromadu ay ku dishay ku dhowaad 10 Ruux oo Soomaali  ah.

Madaxweyne Mustafe Cagjar oo ay la socdeen Xubno ka tirsan xukuumadiisaa ayaa la kulmay Waxgaradka iyo Odayaasha Tuuli guuleed.

Madaxweyne Mustafe Cagjar oo kulanka ka hadlay ayaa  waxa uu sheegay in ay ku dhaqaaqayaan waxkasta oo xal lagaga gaadhayo khilaafaadka xadka Soomaalida iyo Oromada, waxaana uu rajo ka muujiyey inay guuleysan doonaan.

Dagaalka u dhaxeeya Qowmiyada Oromada iyo Soomaalida ayaa ah mid mudo badan soo jiitamayey, iyada oo aanay ku guuleysan inay nabad ka dhex dhigaan Madaxdii soo martay deegaanka.

Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa waxaa uu dadaal badan ugu jiraa samata bixinta dadka degaanka oo dhibaatooyin dhinacyo badan leh wajahayay  mudo dheer.

 

WAJAALENEWS DESSK

JIG JIGA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS