|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha DDSI Mustafa Cumar oo Soo Bandhigay Qorshayaasha Uu Ku Hagi Doono Xukuumadiisa
August 27, 2018 - Written by Reporter:Jigjiga (WJN)- Madaxweynaha cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafa Cumar ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajiyay barnaamijkiisa waxqabad marka uu soo dhiso golaha wasiiradda. Isaga oo ka hor hadlayay baarlamaanka deegaanka oo shir ku yeeshay magaalada Jig Jiga ayuu mudane Mustafa ka jeediyay khudbad dheer, wuxuu si hordhac ah uga hadlay qodobo badan oo ku saabsan waxyaabaha uu qaban doono muddada xilka uu haynayo. Waxaan kasoo qaadanay 9 qodob oo ka mid ah waxyaabaha uu sheegay in uu qaban doono. 1.Isbadelada Isaga laftiisa waxa uu ku yimid isbadal siyaasadeed kii ugu balaadhnaa oo ka dhacay guud ahaan Itoobiya tan iyo intii uu xilka Ra’isal wasaarenimada qabtay Abiy Axmed, sidaas darteed Mustafa Cumar waxa uu doonayaa in isbadalada ka socda guud ahaan Itoobiya ay ka dhaqangalaan deegaanka Soomaalida. Madaxweyne Mustafa Cagjar Isaga oo arintaa ka hadlaya waxa uu yidhi “Isbadalka heerka qaran ka socda ma jirto sabab uu deegaanka Soomaalida uga hadho, waxaanan rabaa in uu halkan ka socda, sida xagga dimoqoraadiyadda, xuquuqda insaanka, hormarka, iyo in lasoo afjaro colaadaha”. 2.Kala dambeynta Madaxweynaha Mustafa waxa ugu dambeeya ee uu jeclaan lahaa in uu arko ayaa ah in sharcigii iyo kala dambeyntii ay burburto xilli deegaanka uu galay marxalado adag, sidaas darteed wuxuu doonayaa in sharciga uu sareeyo. “Soo celinta sareynta sharciga , xuquuqul qowlka, lana joojiyo ku tagri falka awoodaha xad dhaafka ah” ayuu yidhi Madaxweyne Mustafe. 3.Astaamaha Soomaalinimada Waxyaabihii ugu horeeyay ee uu durba hirgaliyay madaxweyne Mustafa waxaa ka mid ah in lasoo celiyay calankii xiddigta shanta gees ay ku tiilay ee hore deegaanka u lahaa iyo waliba magacii oo lagu soo koobay Dowlad Deegaanka Soomaalida. “In lasoo celiyo astaamihii Soomaalinimo ee muujinayay isirka aan kasoo jeedno, taas oo aan wax dhimaal ku ahayn in aan ka tirsanaano dowladda federaalka, Itoobiya boqol qoowmiyadood ayay leedahay, cid kasta dhaqan, diin iyo af u gaar ah ayay leedahay, kuwaana waxaan uga cararnaa meesha ma taalo” ayuu baarlamaanka ka hor yidhi Mustafa Cagjar. Wuxuu intaas ku daray in haddii Soomaalinimada la xajisan waayo halis loo galayo in dhaqan guur uu yimaado. 4.Awood Qeybsiga Mid ka mid ah waxyaabaha ay muddo dheer ka hadli jireen, kana caban jireen dadka deegaanka kasoo jeeda ee aanan ku qanacsanayn xukuumadihii hore u jiray ayaa waxaa ka mid ah in la duudsiiyay saami qeybsigii deegaanka ku lahaa dhanka fededaarka. Haddaba madaxweyne Mustafe Cagjar oo arrintaas ka hadlay ayaa yidhi “Waxaan rabnaa in aan soo celino qeybta uu deegaanka ku leeyahay awood qeybsiga iyo kheyraadka dalka”. 5.Isdhexgalka Muddo dheer dadka deegaanka waxa ay ka cabanayeen xidhnaanshaha xudduudaha iyo waliba dhaqdhaqaaqa ganacsiga oo ahaa mid aad u xadidan. Balse Madaxweyne Mustafe ayaa doonaya, sheegayna in uu wax ka qabanayo arrinkaas “Is dhexgalka, oo ay kow ka tahay in dadka aan Soomaalida nahay dhex galno. Xudduudaha isu furno, dadka isu talaabaan, wada ganacsadaan, wixii ka baxsan siyaasadda ay isku mid ahaadaan”. 6.Diinta Madaxweynaha cusub ayaa balanqaaday in dowladdiisa ayna faragalin doonin arrimaha diinta, dadkana ay xor u ahaan doonaan in ay cibaadeystaan, wuxuuna yidhi “In aan wax ka badalno dhibaatooyinkii ku dhacay xagga diinta, in dadka ay u madax banaanaadaan cibaadada, dowladana ay faraha kala baxdo”. 7.Kaalinta Dumarka Waxa uu aad u boggaadiyay xukuumaddii ka horeysay ee Cabdi Maxamuud Cumar kaalintii ay ka ciyaartay sare u qaadista qoondada dumarka iyo ka qeybqaadashadooda dowladda, balse waxa uu hoosta ka xariiqay in taas ay noqon doonto arrin aan waxba u dhimmi doonin dhaqanka iyo diinta. 8.Dadka La Takooro Madaxweynaha cusub ayaa dhanka kale balan qaaday in dadka la takooro loo sameyn doono barnaamijyo dowladdeed oo u gaar ah oo lagu hormarin doono, wuxuuna ka yidhi “In la taageero dhab ah loo sameeyo dadka la hayb sooco ee Soomaalida, taas oo aan dhammaanteed ku ceebeysanahay, in dhanka shaqaaleynta, guryaha iyo waxbarashadaba barnaamijyo u gaar ah loo sameeyo”. 9.Dib u curashada Madaxweyne Mustafe ayaa ka hadlay barnaamijkii dib u curashada ee xukuumaddii Cabdi Maxamuud Cumar, taas oo uu sheegay in si khaldan loo waday, balse isaga uu sheegay in sidii saxda ahayd loo wajihi doono. Isaga oo arrintaas ka hadlayana wuxuu yidhi “Dib u curashadu si qaldan ayaa loo fuliyay, waxaa muhiim ah in deegaan kasta ay maamulaan dad u dhashay”. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|