|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Muuse Biixi Oo La filayo In Uu Safarkiisii U Horeeyay Ee Dalka Gudihiisa Ah Ugu Anbabaxo Gobolada Galbeedka Jsl Iyo Wax Uu Daaran Yahay!
August 4, 2018 - Written by Editor:Hargaysa(W,N) Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hada Talada dalka Hayay mudo Todobo Bilood iyo dheeraad ah ayaa socdaalkiisii ugu horeeyay ee dalka gudihiisa ugu anbabaxaya gobolada galbeedka somaliland. Madaxwayne biixi ayaa la filayaa in uu maalinta bari ah unbabaxo socdaal uu ku tagayo magaalo madaxda gobolka Awdal Ee Borama. Ujeedada safarka madaxwayne muuse biixi ayaa waxa uudaaran yahay ka qaybgalka munaasibada qalin jabinta Ardayda jaamacada Camuud waxana safarkan ku weheliya xubno kamida golihiisa wasiirada. Waxaana lagu wadaa xaflada kadib in uu kulamo la qaadan doono hogaanka dhaqanka gobolka awdal iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo mudooyinkii udanbeeyay laga dareemayay guux siyaasadeed oo salka ku haya arinta saami qaybsiga golaha wakiilada ee doorashadiisu fooda inagu soo hayso. Sidoo kale wararka aanu ka helayso safarka madaxwayne muuse biixi ayaa tibaaxaya in uu soo laabadkiisa ku hakan doono magaalo madaxda gobolka gabiley oo ah xarunta taageerayaashiisii guusha keenay isla markaana uu shirar la gali doono waxgaradka gobolka. Wallow xiligan shacabka gobolka gabiley laga dareemo, dareeno Ka duwan kuwii xiligii ololaha iyo taageeradii bilaa shuruuda ahayd ee ay siiyeen xisbiga kulmiye iyadoo taa badalkeeda ay xiligan saluug ka muujinayaan hanaanka hogaamineed ee xukuumada madaxwyne biixi ee mudada yar jirta iyo saamiga uu kasiiyay golaha xukuumadiisa. Bilowgii xukuumadii madaxwayne siilaanyo ayay ahayd markii bulshada reer gabiley ay doorashadii mudo yar kadib ay kala horyimaadeen mucaaridad iyo in ay utaagaan kabo balse lama hubo in ay taasi tu tulamida durba kula kici doonaan madaxwayne biixi oo isag ay wadaan hayb qabiil iyo dad iyo deegaan.
WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM
Related posts:Jaaliyada Reer Somaliland Ee Dalka Jarmalka Oo Siwada Jir Ah Ugu Dhawaaqay Udiyaar Garowga Xuska 18m... Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Ee Wasaarada Dhalinyarada, Ciyaaraha Iyo Dalxiiska Oo Ka War Bixiyey Tar... Midkamid Ah Xaasaskii Abwaan Sooraan Oo Ka Warantay Dabeecadihiisii, Ilaahayna Ka Bariday In Uu Jana... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|