Madaxii Hore ee Sirdoonka Itoobiya oo La Amray in La Soo Xidho | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxii Hore ee Sirdoonka Itoobiya oo La Amray in La Soo Xidho
August 22, 2018 - Written by Reporter:

Addis Ababa (WJN)– Getachew Assefa oo ahaa madaxii ugu sareeyay hay’adda sirdoonka Itoobiya, ayaa waxaa amar lagu bixiyay in la soo xidho isagoo lagu eedeeyay in uu galay danbiyo kala duwan muddadii uu xilka hayay.

Waxaa la sheegay in uu muddo bil ah ku qaatay hotel aan magaciisa la sheegin oo ku yaala magaalada Mekelle, ka hor inta aanu ubaxsan dalka Suudaan.

 

Qaar ka mid ah saraakiisha Booliiska gobolka Tigray ayaa la sheegay in ay fududeeyeen baxsashadiisa, hasse ahaatee lama bixin faah faahin intaa dhaafiisan, sidoo kalena waxaa la sheegay in qoyskiisa- mar horeba isaga tageen dalkaasi Itoobiya.

Getachew Assefa oo ka mid ah sagaalka xubnood ee ugu sareeya guddiga fulinta ee xisbiga TPLF iyo xubin ka tirsan guddiga fulinta ee EPRD, ayaa lagu soo oogay dambiyo culus oo ay ka mid yihiin rabshadaha ku saleysan qowmiyadaha ee ka socda qaybaha kala duwan ee Itoobiya.

Waxaa ka mid ah danbiyada lagu eedeynayo dil, xadhig sharci daro ah, jidhdil, iyo ku tumashada awoodda iyo meel ka dhaca xuquuqda aadanaha.

 

Xigasho: Hiiran Online

COMMENTS
LINKS