Maareeye Ku-xigeenkii Shirkadda Golis oo Boosaaso Lagu Dilay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maareeye Ku-xigeenkii Shirkadda Golis oo Boosaaso Lagu Dilay
August 7, 2018 - Written by Reporter:

Boosaaso (WJN)- Maareeye ku-xigeenkii shirkadda isgaadhsiinta Golis ee maamul goboleedka Puntland ayaa caawa lugu dilay magaalada ganacsiga ah ee Boosaaso , sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta deegaanka.

Cabdullaahi Cali Cumar (Jinnac) ayaa rag ku hubeysan bastoolado waxay ku dileen goob aan ka fogeyn xarunta shirkadda Golis ee magaalada Boosaaso salaadii Cishaayi kabacdi.

Kooxda dilka fulisay ayaa markiiba la sheegay inay goobta ka baxsadeen, lamana sheegin cidda ay ahaayeen, waxaana daqiiqado yar kaddib gaadhay halka uu dilku ka dhacay ciidammada amniga oo baadhitaanno sameeyay, mase-jirto illaa hadda cid dilka loo soo qabtay, Mana jirto cid sheegatay mas’uuliyada dilkan.

 

201887636692540242429657FB_IMG_1533720770874

COMMENTS
LINKS