|
|||||
WAJAALE NEWS
Maanta Waxan Cashar U Dhigi Lahaa, Kuwa La Yidhi Waxay U Mudaharaadeen Ina Iley, Sida Loo Akhriyo Taariikhda! Prof Cabdi Cali.
August 31, 2018 - Written by Editor:Laga soo bilaabo markii Hitlar iyo Nazigii la jabiyay 1945, illaa immika ma odhan kartid Nasigii ama Hitlar baan taageersanahay; Jarmalku waa dal dimuqraadi ah ee maxaa dhacay ee ay danbi u tahay in aad ra’yigaaga cabbirto, miyaan xorriyadda hadalku fasax ahayn!!!! Qaar taageersan ninkii xukunka laga qaaday ayaa Jig-jiga ka mudaharaaday sida wararku sheegeen, adeer ha loo sheego in haddii xorriyad iyo dimuqraadiyada la helay, in aanu macnaheedu ahayn sax iyo qaladba ma jiraan. Dadkii u soo halgamay ee dhiigooda u shubay oo aan wali qaadan neecawdii xornimada ayaabay iyagii rabaan in ay xorriyadii si qaldan uga faa’idaystaan. In ay is qariyaan bay ahayd. yaa idinku yidhi sax iyo qalad ma jiro taariikhda, oo mar haddii dimuqraadiyad la helay, xataa waxa qaldan iyo cidda qaldan-ba waa loo hiilin karaa. Maqaallo hore oo aan qoray ayaan sidaa kula dooday kuwa illaa immika ku dooda in Siyad Barre halyay ahaa oo dagaalkii lala galay uu gardarro ahaa, iyagoo ku andacoonaya waxa dhacay dabadii; Siyad Barre, Qadafi iyo kuwa la midka ah markasta waxay yihiin danbiilayaal xagga taariikhda, xataa haddii xaaladdu ka sii dartay wadamadii ay xukumi jireen iyaga dabadood; iyagaana leh sababta burburka illaa immika socda iyo danbiga dhacaya illaa saacaddan aynu joogno. Waxa Somalia la degi la’dahay illaa immka waa qaladkii iyo danbigii dhacay oo aan cid maxkamad loo soo taagin, ka dib markii qabiilku gabbood u noqday kuwaa; innaga lafteena Somaliland, kuwii Isaaqa ahaa ee la shaqayn jiray Siyaad Barre haddii maxkamad la soo taagi lahaa, dawlad xumada innagu dhacday innagumay dhacdeen, waana sababta keentay in illa immika qabiilku sarreeyo; Ethiopia qodobkaa way saxday; waa in la helo cid loo maxkamadeeyo wixii dhacay iyo fikir laga guuro, oo ciddii taageertana danbiile tahay; taasi waa sunnad ilaahay. Intaynu sunnadii Ilaahay nolosha iyo taariikhda u dejiyay ka hornimi ayaynu rabnaa in ay dawlad sax iyo caddaalad helo; waaba halka la inaga haysto, haddii aad ila socoto; Ilaahow noo kordhi cilmiga iyo garashada. QALINKII ; Prof Cabdi Cali Jaamac U dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada iyo dawlad wanaagga. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|