|
|||||
WAJAALE NEWS
Hogaamiyeyaasha caalamka oo ka hadlay geerida Kofi Annan
August 19, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Hogaamiyayaal hore xilal u hayay iyo kuwa imika haya ayaa amaan kala dul dhacay xoghayihii hore ee guud ee Qaramada Midoobay Kofi Annan oo shalay geeriyooday. Mr Annan ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay Qaramada Midoobay ka hor inta uusan noqon xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay. Madaxwaynihii hore ee mareykanka Barack Obama ayaa sheegay in Mr Annan uusan waligii joojin raadinta in caalamka uu noqdo goob wanaagsan. Rai;sul wasaarihii hore ee Britain Tony Blair oo isagu ay mar Annan isku khilaafeen duulaankii Ciraaq ayaa ku tilmaamay in uu ahaa nin xirfad wanaagsan oo saaxib ah. Madaxwaynaha Ruushka Putin ayaa ammaanay Mr Annan waxa uuna ku tilmaamay in uu ahaa nin xikmad leh islamrkana dhiiran xitaa marka ay xaaladaha adagyihiin. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay,Antonio Guterres, ayaa sheegay in Mr Annan uu ahaa ‘awoodda hagta wanaagsan’. Annan, oo ah ninkii ugu horreeyay ee Afrikaanka madow ah ee hogaanka u qabta Qaramada Midoobay waxa uu noqday mid ka mid ah diblamaasiyiinta ugu caansanaa ee soo maray taariikhda casriga ah.
Xigasho: BBC Somali
Related posts:Taliyaha Ciidanka Dab Demiska Oo TababarKa Hortaga Khatarta Dabka Uqabtay Saraakiil Katirsan Ciidank... Somaliland oo olole Cashuur Uruurin ah laga bilaabay dhamaadka June Muxuu daarranyahay Ololaha ku so... War-Deg-Dega: Ciidamo Xoog Kula Wareegay Goob Xisbiga Wadani Ku Qabsanayay Xaflad Degmada Alaybaday ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|